Wargeyska The Star oo xog cusub ku kordhiyey dib u dhigta kiiska badda
NAIROBI, Kenya – Maxkamadda Cadaaladda Aduunka ee ICJ ayaa kasoo horjeesan doonto dalabkii Kenya ee ahaa in muddo sanad ah dib loo dhigo dhageysiga gal-dacwadeedka badda, sidda uu qoray The Star.
Jaraa'idka oo kasoo baxay Nairobi, caasimadda Kenya, ayaa warkan kasoo xigtay illo wareedyo dowladda ka tirsan oo uusan magacaabin sababo ku aadan in aanan loo ogolayn in ay warbaahinta la hadlaan.
Sidda ku xusan warbixinta lagu daabacay majaladda, ICJ ayaa waxay qarka u saaran tahay in ay go’aamiso in dhageysiga galkan uu qabsoomo 4-ta bisha November ee sanadkan 2019-ka.
"Kenya ayaa waqti xaadirkan isku daba ridaneysa kooxdeeda cusub ee sharciga kadib markii ICJ ay ku raacday codsigeeda dib u dhigista laba bilood wallow ay 12-bilood waydiisatay," ayuu raaciyey.
Marka laga soo tago shaacinta wargeyska, illaa iyo haatan ma jiro go’aan rasmi ah oo ka yimid xeer-beegtada Qaramada Midoobay.
Dhageysiga ayaa mar sii horeysay loogu muddeeyay 12-ka September, balse waxaa 4-ta November loo bedelay markii codsi uu ka yimid Kenya oo ah in ay u baahan tahay waqti ay qareeno cusub ku qorato.
Dacwada oo qodxo u yeeshay xiriirka diblumaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa taagan tan iyo bishii August ee 2014-kii, kuna saabsan goob hodan ku ah Shidaal iyo Gaas oo xadka labada dal ku taala.
Bishii Febraayo ee sanadkan ayay xurgufta karkartay markii Nairobi ay ku eedeysay Muqdisho in ay xaraasheyso shidaal ku jira halkaas, inkasta oo eedeymaas ay beenisay xukuumada federaalka ah.
Tan iyo xiligaas iyadda oo xiisada karaar-qaadaneyso, haddana waxaa barbar socday baaqyo ku aadan in ay xaaladda dejiyaan labadda dal ayna ka war-sugaan go’aanka ICJ oo ah mid aanan rafcaan lahayn.
Kenya ayaa dooneysay in sohdin badeedka lagu sumadeeyo dhanka bariga, halka Soomaaliya oo diidan arrintaas ay ku adkeysaneyso in lagu dhaafo meesha uu haatan oo ay ku tilmaamay "calaamadda saxda ah".
Ugu dambeyntii, wargeyska ayaa daboolka ka qaadey in Kenya ay wali isku dayeyso in qaab diblumaasiyadeed iyo xeelad wada hadal lagu dhameeyo xiisadda badda oo laga digay in ay Al-Shabaab ka faa'ideysato.
GAROWE ONLINE