Jarmalka oo bogaadiyey dhaqdhaqaaq ay Kenya kawado Soomaaliya

Image

BERLIN, Germany – Madaxweynaha dalka Jarmalka, Frank-Walter Steinmeier, ayaa bogaadiyey dhaqdhaqaaqyadda ay Kenya kawado Soomaaliya si gaar ah xasilinta iyo dagaalka ka dhanka ah "argagixisada".

Hadalkaan ayuu sheegay xili uu wareysi gaar ah siiyey wargeyska afka dheer ee lagu magacaabo Daily Nation.

Dhawaqaan ayaa kusoo aadaya xili uu martiqaad rasmi ah uu ka helay madaxweyne Uhuru Kenyatta.

Tani ayaa Steinmeier ka dhigeysa mas'uulkii ugu sareeyay Jarmalka ee booqda Kenya tan iyo Angela Merkel oo si weyn loosoo dhaweeyay sanadka markii uu ahaa 2011-kii.

"Kenya waxay dhaqan u leedahay xiriir ku dhisan nabad, deris-wanaag iyo khilaafka Geeka Afrika oo lagu dhameeyo qaab nabadoon," ayuu raaciyey, isagoo ku qeexay "xulafo muhiim u ah Jarmalka".

Berlin ayuu hoosta ka xariiqay in ay go'an tahay in ay sii waddo taageerada ay siiso AMISOM iyo Kenya si ay gobolka uga dhigaan mid nabadoon isla markaana looga adkaado "argagxisadda".

Weeraradii ugu dambeeyay ee Al-Shabaab ka fulisay Kenya ayuu carabka ku dhuftay, isagoo bogaadiyey sidda ay Nairobi "ugu guuleystay" in arrintaas aysan saameyn dadka kala diimaha ah.

"Jarmalka wuxuu taakuleeyaa Soomaaliya gaar ahaan taageero dhanka ammaanka ah, amniga badda si lamid ah dib-u-dhiska iyo dib u habeynta siyaasadda," ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Steinmeier.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Afrika: Doorashada Itoobiya waxay muujisay rabitaanka dimuqraadiyadeed ee dadka

Guddoomiyaha Midowga Afrika ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay ururku uga go’an tahay taageeridda dimuqraadiyadda dalalka xubnaha ka ah.

  • Afrika

    23-06-2026

  • 01:00PM

Kenya oo soo Gabagabeysay Tababarka Ciidamo loo Dirayo Howlgalka Cusub ee Soomaaliya

Tababarkan rasmiga ah ee ka hor daadgureynta oo ka dhacay Dugsiga Ciidanka Lugta ee Isiolo, ayaa diiradda lagu saaray u diyaargarowga dagaalka.

  • Afrika

    22-06-2026

  • 08:18PM