Qaabka ay Jubaland xarun ugu noqotay tartanka awooda bariga Afrika

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Danaha istaraatiijiyadeed ee is-diidaya oo ay wadamada deriska ah leeyihiin ayaa Soomaaliya wuxuu ka dhigtay fagaare ay dalalkaas murqahooda ku tijaabiyaan.

Xifaaltanka ugu culus ayaa hadda ka jira gobolka Gedo oo kamid ah saddexda gobol ee hoosyimaada Jubbaland oo qayb kamid ah madasha lagu baratamayo.

Ismaamulkan ayaa sohdin wuxuu la wadagaa Itoobiya iyo Kenya, kuwaas oo ciidamo ka tirsan howlgalka nabad ilaalinta Soomaaliya ee loosoo gaabiyo AMISOM ay kawada joogaan.

AMISOM ayaa waajibaadkeeda wuxuu yahay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo xaqiijinta nabadda waddanka.

Hase ahaatee, xukuumadda Addis Ababa ayaa lagu eedeeyay in gobolka Gedo ay kusoo daabushay ciidamo aan kamid ahayn AMISOM iyadda oo fulineysa ajande ay wadato Villa Soomaaliya.

Maamulka Kismaayo iyo dowladda Farmaajo kama dhaxeeyo xiriir wanaagsan tan iyo wixii ka dambeeyay doorashadii August ka qabsoontay Kismaayo ee kusoo baxay Axmed Madoobe.

Askarta Itoobiyaanka ah ayaa degmooyinka Doolow, Luuq iyo Beledxaawo kawada juujuub iyo qafaalashada mas'uuliyiinta Jubaland ayaa raba in ay ka yag-leelaan maamul kale oo sharci darro ah.

War-saxaafadeed ay Jubaland u dirtay Beesha Caalamka ayay ku codsatay in ciidanka, oo madaxweyne ku xigeenka koowaad u diidey in uu galo Beledxaawo, laga saaro gobolka Gedo.

Kenya ayaa haatan la wareegtay amniga Maxamuud Sayid Aadan oo ku xayiran magaaladda Mandhera, iyadda oo warar soo baxaya ay daboolka ka qaadayaan in ay u galbineyso Beledxaawo.

Mr Aadan ayaa haatan degan huteel, halkaas oo ay ku ilaalinayaan ciidamadda difaaca Kenya kadib markii is hortaag lagu sameeyay socdaalkiisa Beledxaawo.

Xukuumadda Nairobi ayaa door ku lahayd gulufkii dagaalameyaasha xiriirka la leh Al-Qaacida ee Al-Shabaab, 2011-dii, looga saaray Kismaayo, xarunta ku meel gaarka dowlad goboleedka.

Madasha Xisbiyadda Qaran oo ay ku mideysan yihiin lix xisbi siyaasadeed oo kuwa ugu tunka weyn ah ayaa "farogelinta" Itoobiya ee Gedo ku qeexay "xadgudub ka dhan ah madaxbanaanida Soomaaliya".

Dowladda Soomaaliya oo lagu dhaliilo in ay caburiso maamuladda ka aragtida duwan ayaa ku fashilantay in ay farogeliso doorashooyinkii Puntland iyo Jubaland oo ay juhdi ku bixisay.

Mushkilada ugu weyn ee haatan hortaala ah ayaa ah xaqiijinta doorashadda guud ee dalka ka dhaceysa 2020-21 oo la rajeynayo in ay noqoto qof iyo cod, wallow ay su'aallo badan ku horgudban yihiin.

Qaramada Midoobay ayaa ku boorisay xukuumadda in ay xaliso tabashooyinka maamuladda qaar isla markaana ay hogaamiso siyaasad loo dhan yahay oo ku aadan coddeynta soo aadan.

Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya oo dhamaantooda sohdimo muhiim ah wadaaga ayaa caqabadda ugu weyn ee ay wajahayaan waxay tahay waxa loogu yeero argagixiso oo Al-Shabaab iyo Daacish.

Sikastaba ha ahaatee, loolanka haatan ka jira gobolka Gedo ayaa waxay u muuqaneysaa in Jubaland ay xarun, fagaare iyo madal u noqotay tartanka awooda ee bariga Afrika iyo dalalka deriska.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM