Kalluumeysatada Kenya oo laga mamnuucay xeebaha Soomaaliya

Image

NAIROBI, Kenya – Dowladda Kenya ayaa sababo la xiriirta dhanka amaanka waxay uga mamnuucday kalluumeysatada dalkaasi in ay ka jilaabtan biyaha ku dhow waddanka leh xeebta ugu dheer Afrika ee Soomaaliya.

Joseph Kanyiri, taliyaha booliska is-maamul goboleedka Lamu, ayaa sheegay in dadka uu saameynayo amarkan ee ka macaashi jiray kheyraadka dabiiciga ay yihiin kuwa ku nool degaanada Ras Kamboni iyo Kiunga Town.

Tuulooyinkaasi ayaa waxay aad ugu dhow yihiin sohdinta dowladaha deriska ah, kuwaasi oo cilaaqaadkooda diblumaasiyadeed uusan hagaagsaneen.

Mr Kanyiri ayaa intaasi raaciyey in goobahaasi uu farta ku fiiqay in ay ka dhaceen falal si musuq-maasuq ah loogu dhoofinayo alaabo iyo maan-dooriyeyaal, sidaasi awgeeda shacabka dalkaasi looga baahan yahay in aysan tegin.

Isaga oo sii hadlaya ayaa taliyuhu daboolka ka qaadey in laamaha amaanka ay sarre u qaadi doonan howlgalada ay goobahaasi ka fulinayaan, cidii lagu soo qabtana xabsi la dhigi doono.

"Kalluumeysatada waanu lasoo socod-siin doonaa hadey war ay ku farxaan uu soo korodho. Balse inta ka horeysay, waxaanu ka dooneynaa in aysan halkaasi kasoo jilaaban," ayuu u sheegay wargeyska Daily Nation.

Dhanka kale, Mr Kanyiri ayaa tilmaamay in kalluumeysatada loo fasaxay in qaybo kamid ah bariga Lamu ay habeenkii ka dabtaan kaluunka, taasoo kaaliya loo ogolaa in ay kaliya maalintii dhaqdhaqaaq ka sameeyan.

"Waa nasiib darro in ay jiraan kuwa ka dhago-fureysanaya amarkeena. Hadafkeena ugu wayn waa in aan joojino dhoofinta badeecadaha iyo maandooriyaha si lamida dadka, qaabka sharcidarada ah," ayuu xusay.

Talaabadan ay soo rogtay dowlada Kenya ayaa waxa uu imaanayaa iyadda oo xiriirka dowladaha Muqdisho iyo Nairobi uusan hagaagsaneen taasoo salka ku haysa dacwad ku saabsan muran xuduud badeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Howlgal Sirdoonka Kenya sameeyay oo Lagu Joojiyey Weerar ka dhici lahaa Nairobi

Xogta sirdoonka ayaa sidoo kale tilmaantay in kooxdu qorsheynaysay falal afduub iyo weeraro kale xilliga Ramadaan.

  • Afrika

    19-02-2026

  • 02:18PM

Itoobiya oo Turkiga ka Codsatay Taageero ku Saabsan Helitaanka Marin-Badeed

Abiy ayaa ku dhiirrigeliyay shirkadaha Turkiga inay kordhiyaan maalgashiga ay ku sameeyaan Itoobiya.

  • Afrika

    18-02-2026

  • 01:55PM