Kaniisad diidey deeq lacageed $40,000 uga timid madaxweynaha Kenya

Image
Kaniisadaha iyo siyaasiyiinta Kenya - oo ah dal dadkiisu 80% Masiixiyiin yihiin - ayaa xiriirkoodu sii xumaanayaan.

NAIROBI, Kenya - Kaniisadda Katooliga ee Kenya ayaa diiday deeq lacageed oo dhan $40,000 (£32,000) oo uu bixiyey madaxweyne William Ruto, sidda ay qortey saxaafada.

Wuxuu lacagta u bixiyay dhismaha guriga wadaadka iyo hadiyad ahaan kooxda heesta inta lagu guda jiray isu-soo-baxii Axadii ka dhacay Kaniisada Katooliga ee Soweto ee caasimada, Nairobi.

Deeqdan ayaa daba socotay hadal dhawaan kasoo yeeray wadaadada Catholic-ga, kuwaas oo dowladda ku dhaliilay in ay ka gaabisay balanqaadyadii doorashada.

Kaniisadaha ayaa sanadkan waxaa cadaadis kala kulmayay dhalinyaro mudaaharaad ka dhigayay canshuuraha kuwaasoo ku eedeeyay inay aad ugu dhow yihiin siyaasiyiinta.

Ka dib deeqdii Ruto ee sida weyn loo shaaciyey Axadii, dad badan oo Kenyan ah ayaa ku booriyay Kaniisadda Katooliga inay diidaan lacagta maadaama ay siyaasadeysan tahay.

Xiriirka qotoda dheer ee ka dhexeeya kaniisadaha iyo hay'adaha siyaasadeed - ee waddan ay in ka badan 80% dadka Masiixiyiinta ah - ayaa u muuqda inuu sii xumaanayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lix Muwaadin oo u dhashay Morocco oo Puntland sii daysay oo dalkooda dib ugu laabtay

Raggan ayaa markii hore lagu qabtay buuraleyda Cal-miskaat ee gobolka Bari ee Puntland bilowgii sannadkii 2024.

  • Afrika

    12-05-2026

  • 12:19PM

Iskaashi Siman: Faransiiska oo Afrika ugu Deeqay $27 Bilyan oo Maalgashi ah

Waa shirkii ugu horeeyay oo Faransiiska ku qabto dal aan Luuqadda Faransiiska looga hadlin, oo kamid ahayn kuwa uu soo gumeystay.

  • Afrika

    12-05-2026

  • 11:23AM