Kenya ayaa hakisay qorshihii ay ciidamadda ugu direysay Haiti

Image
Go'aankan ayaa ka dambeeyay markii ra’iisul wasaaraha Haiti Ariel Henry uu shaaciyay inuu xilka ka tagayo.

NAIROBI, Kenya - Sarkaal sare oo ka tirsan shaqaalaha rayidka ah ee wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya ayaa BBC-da u sheegay in qorshihii uu dalkaas ciidamo ugu dirayay Haiti uu hadda hakad ku jiro ka dib markii uu ku dhawaaqay ra’iisul wasaaraha Haiti Ariel Henry in uu xilka ka tagayo.

Korir Sing'oei, oo ah xoghayaha guud ee arrimaha dibadda, ayaa sheegay in dalkaas uusan ka jirin maamul siyaasadeed aysan jirin "cid damaanad-qaadeysa kala dambeynta".

Mr Sing’oei ayaa intaa ku daray in Kenya ay sugi doonto soo dhisida maamul cusub oo dastuuri ah ka hor inta aan la gaarin go’aano kale.

Sannadkii hore, Kenya waxay ballan-qaadday inay ku-dhawaad ​​1,000-askari oo booliis ah geyn doonto Haiti si ay qayb uga noqdaan ciidammo caalami ah si ay ula dagaallamaan kooxaha burcadda ah.

Soo daabulista ayaa lagu hayay maxkamadaha laakiin horaantii bishan waxay u muuqatay in dhammaan caqabadaha sharciga ah la nadiifiyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Museveni oo hoggaanka u haya doorashada Uganda, mucaaradka oo cabanaya 

Suxufiyiin maxalli ah ayaa sheegay in ciidamada ammaanku ay ka hor istaageen inay gaaraan guriga Bobi Wine ee xaafadda Magere ee Kampala.

  • Afrika

    17-01-2026

  • 12:35PM

Doorashada Uganda: Madaxweyne Museveni oo Raadinaya Markiisii 7-aad

Doorashada ayaa ku bilaabatay jawi kacsan, waxaana la soo sheegayaa in meelaha qaar laga jaray adeeggii internet-ka.

  • Afrika

    15-01-2026

  • 11:56AM