Kenya: Baadari lagu soo oogay 191 dacwadood oo dil ah

Image
Mackenzie ayaa xabsi loo taxaabay bishii April ee sannadkii hore 2023 kadib markii maydad laga helay keynta Shakahola.

NAIROBI, Kenya - Maxkamad ku taal dalka Kenya ayaa dacwad kusoo oogtay hogaamiye diimeed iyo tobanaan qof oo lagu tuhunsanaa inay gacan ku lahaayeen dilka ku dhawaad ​​200 oo qof.

Paul Nthenge Mackenzie iyo 29 kale oo tuhmanayaal ah kuwaasoo loo haysto 191 dacwadood oo dil ah ayaa Talaadadii ku adkeystay in aysan wax dambi ah galin, sida ku cad dukumentiyada maxkamada.

Baadarigan oo horay loogu soo oogay dacwado la xiriira argagixisanimo, dil bareer ah iyo jirdilka caruur, ayaa lagu eedeeyay in uu boqolaal kamid ah saaxiibadiisa ku qasbay in ay gaajo u dhintaan si ay u "la kulmaan Nabi Ciise".

Eedeysanaha 31-aad ayaa loo arkay in uusan lahayn taam ahaanshaha maskaxeed ee uu ku istaagi karo maxkamad waxaana lagu amray in uu ku laabto Maxkamadda Sare muddo bil gudaheed ah.

Hogaamiyaha urur diimeedkan ayaa dhankiisa markii si gaar ah loo su'aallay dacwadaha lagu soo oogay wuxuu ku adkeystay in aanu wax dambi ah galin dhamaan eedaha lagu soo oogay.

Mackenzie ayaa xabsi loo taxaabay bishii April ee sannadkii hore 2023 kadib markii maydad laga helay keynta Shakahola, iyada oo daah-furka foosha xun uu argagax ku abuuray adduunka oo dhan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lix Muwaadin oo u dhashay Morocco oo Puntland sii daysay oo dalkooda dib ugu laabtay

Raggan ayaa markii hore lagu qabtay buuraleyda Cal-miskaat ee gobolka Bari ee Puntland bilowgii sannadkii 2024.

  • Afrika

    12-05-2026

  • 12:19PM

Iskaashi Siman: Faransiiska oo Afrika ugu Deeqay $27 Bilyan oo Maalgashi ah

Waa shirkii ugu horeeyay oo Faransiiska ku qabto dal aan Luuqadda Faransiiska looga hadlin, oo kamid ahayn kuwa uu soo gumeystay.

  • Afrika

    12-05-2026

  • 11:23AM