Kenya: Dableyda dishay qoyska Soomaaliyeed oo la aqoonsaday

Image
Warbixin horudhac ah ayaa tilmaameysa in gacan-ku-dhiigleyaasha ay dalbadeen madax furasho kahor dilka.

NAIROBI, Kenya - Saddex qof isku-qoys ahaa oo lagu dilay xaafadda Islii magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa waxaa beegsaday dad ay garanayeen, sidda ay booliisku sheegeen.

Eedeysane iyo qof ka badbaaday dilka ayaa u sheegay dambi-baarayaasha in gacan-ku-dhiiglayaashu ay dalbadeen madax-furasho balse ay dilka go'aansadeen markii ay ogaadeen in qoyska ay aqoonsadeen.

Saddexda qof ee la dilay ayaa kala ahaa haweeney, gabadheeda iyo gabar ay eedo u ahayd. Dilkan wuxuu argagax ku abuuray bulshadda ku dhaqan magaalada Nairobi.

"Dilalka ayaa lala xiriiriyaa madaxfurasho. Gacan ku dhiiglayaashan ayaa gacanta ku hayay haweenkan iyagoo dalbanayay lacag madax furasho ah balse howshaasi ayaa haweenku ay ogaadeen mid ama labo ka mid ah eedeysanayaasha taasoo ka careysiisay," ayay The Star kasoo xigatay sarkaal boolis.

Sarkaalka ayaa hadalkiisa intaas ku daray: "Waxaa la maqlay iyagoo leh dumarku waxay ku wargelin doonaan booliiska cidda ay yihiin khatar ayay geli doonaan, waxaana la go'aamiyay in la dilo oo meydadkooda la tuuro".

Sidda laga soo xigtay warbixinta The Star, gacan-ku-dhiigleyaasha ayaa waxay dalbadeen 1 milyan oo shilinka dalka Kenya ah si loo sii daayo mid kasta oo haweenka ka mid ah.

October 21, meydadka Dahabo Daud Said, 38-jir, Amina Abdirashid Dahir, 22-jir, iyo Nusayba Abdi Mohammed, 13-jir, ayaa laga helay goobo kala duwan iyaga uu dhaawacyo ka muuqdo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lix Muwaadin oo u dhashay Morocco oo Puntland sii daysay oo dalkooda dib ugu laabtay

Raggan ayaa markii hore lagu qabtay buuraleyda Cal-miskaat ee gobolka Bari ee Puntland bilowgii sannadkii 2024.

  • Afrika

    12-05-2026

  • 12:19PM

Iskaashi Siman: Faransiiska oo Afrika ugu Deeqay $27 Bilyan oo Maalgashi ah

Waa shirkii ugu horeeyay oo Faransiiska ku qabto dal aan Luuqadda Faransiiska looga hadlin, oo kamid ahayn kuwa uu soo gumeystay.

  • Afrika

    12-05-2026

  • 11:23AM