Kenya: Dhoobo soo duntay oo tobanaan ruux nolosha ku aastay

Image

NAIROBI, Kenya – Tobanaan ayaa ku dhimatay kuwa kalena waa la la'yahay markii guryahooda ay dhoobo kusoo duntay kadib roobab xoogan oo ka da'ay Kenya, sidda laga soo xigtay mas'uuliyiinta.

Dhacdadan oo lasoo wariyey habeenimadii Jimcada ayaa ka dhacday gobolka West Pokot, oo 350 KM dhanka Waqooyi Galbeed kaga aadan magaala madaxda wadankaasi ee Nairobi.

Dadyow kale oo la sheegayo in ay ku guryo iyo hanti beeleen ayaa waxay codsanayaan gurmad degdeg ah.

Dedaalo naf-badbaadin ah ayaa socda iyadda oo laga cabsi qabo in tiradda dhimasho ay badato. Illaa iyo haatan, waxaa la xaqiijiyey geerida 12 ruux iyo maqnaanshiyaha ku dhowaad 30.

Daadadka ayaa si joogta ah waxay uga dhacaan bariga Afrika, balse saynisyahanada waxay sheegeen in mudooyinkii u dambeeyay ay Badda Cas ku arkeen xaalad naadir ah.

Bishii April sanadkii 2018-kii, dhoobo soo duntay ayaa dishay 100 ruux, waxaana ku barakacay kumanaan.

Dowladda Kenya ayaa tan iyo xiligaas waxay laba jibaartay qorsheyaasha looga hortagayo khasaaro culus oo mustaqbalka dhaca, wallow lasoo wariyey in aan lagu darin arrimaha hor tabinta leh.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dalalka Afrika ee Marti-gelinaya Saldhigyada Mareykanka oo Wajahaya Khatarta Gantaallada Iran

Badweynta Hindiya iyo Badda Cas, oo ah halbowlaha ganacsiga adduunka, ayaa wajahaya khataro cusub.

  • Afrika

    05-03-2026

  • 09:28AM

Mareykanka oo cunaqabateyn ku soo rogay Ciidanka Rwanda iyo saraakiil sare

Mareykanka ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay nabadda gobolka bari ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo.

  • Afrika

    03-03-2026

  • 12:22PM