Kenya: In ka badan 200 qof oo ku dhaawacmay banaanbaxyo waaweyn

Image
Ciidamada Booliska ayaa la sheegay in tiro ka badan 100 ruux kale ay ku rixeen mudaaharaadyadan.

NAIROBI, Kenya - Ugu yaraan 200 oo qof ayaa ku dhaawacantay in ka badan 100 kalena waa la xiray kadib dibadbaxyadii Khamiistii ka dhacay guud ahaan dalka Kenya, sidda ay ku warantay warbaahinta gudaha.

Mudaaharaadyadda ayaa looga soo horjeeday qorshayaasha dowladda ee lagu aruurinayo 2.7 bilyan oo doollar oo canshuuro dheeri ah, sida ay sheegeen isbaheysiga kooxaha xuquuqda.

Bilayska ayaa sunta dadka ka ilmeysiisa iyo kuwa biyaha ka keena ku kala eryay dadweynaha. Shanta urur ee u dooda xuquuqda, oo ay ku jiraan Amnesty International iyo Ururka Dhakhaatiirta Kenya, ayaa bayaan wadajir ah ku cambaareeyay falkan.

Taliyaha booliska ismaamulka Nairobi, Adamson Bungei, ayaan ka jawaabin taleefoonkiisa si uu uga jawaabo eedeymaha dilka, dhaawaca iyo xariga la sheegay.

Dibad-baxayaasha ayaa doonaya in dowladda ay gabi ahaanba faraha kala baxdo sharciga maaliyadda, iyagoo sheegay in uu dhaqaalaha uu ceejin doono faragelinteeda, isla markaana uu sare u qaadi doono qiimaha nolosha dadka Kenyaanka ah oo markii horeba la daalaa dhacayay nolol maalmeedkooda.

Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa sheegtay, si kastaba ha ahaatee, in dowladdu ay u baahan tahay inay kordhiso dakhliga si loo yareeyo hoos u dhaca miisaaniyadda iyo amaahda dawladda.

Horaantii todobaadkan ayay dawladda Kenya wax yar ka dabcisay mowqifkeeda, iyadoo madaxweyne William Ruto uu taageeray talooyinka lagu baabi'inayo qaar ka mid ah canshuuraha cusub sidda lahaanshaha baabuurta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Japan oo kusoo biirtay Loolanka Mareykanka iyo Shiinaha ee Khayraadka Afrika

Ra’iisul Wasaare Ishiba ayaa la filayaa inuu ku dhawaaqo qaab-dhismeed cusub oo iskaashi ah oo u dhexeeya Indo-Pacific iyo Afrika.

  • Afrika

    21-08-2025

  • 07:09AM

Kenya iyo Mareykanka oo ku Heshiiyay Qorshe Cusub 

Madaxweyne Ruto wuxuu sheegay in isaga iyo Rubio ay isku raaceen muhiimadda ay leedahay in la dhiso xafiis gaar ah.

  • Afrika

    20-08-2025

  • 01:43PM