Kenya: In ka badan 40 qof oo ku naf-waayay daad ka dhashay roob xooggan

Image

NAIROBI, Kenya - Daadad xooggan iyo dhul go’ ayaa ku dhacay guryo waxayna gooyeen waddo weyn oo ku taal Kenya, waxaana ku dhintay ugu yaraan 45 qof, tobanaan kalena waa la la’yahay Isniintii, sidda ay sheegtay wasaaradda arrimaha gudaha.

Sarkaal ka tirsan booliska Stephen Kirui ayaa markii hore u sheegay wakaalada wararka ee Associated Press in biyo xireenka hore ee Kijabe oo ku yaala deegaanka Mai Mahiu ee gobolka Great Rift Valley oo u nuglaa fatahaadaha uu soo dumay, kaas oo siday dhoobo, dhagaxaan iyo geedo la rujiyay.

Laakiin bayaan ay soo saareen goor dambe oo kasoo baxay warfaafinta ismaamulka Nakuru ayaa lagu sheegay in tirada biyaha ee sababtay fatahaadda ay tahay waddo tareen oo xiran.

Baabuurta ayaa isku xiray burburka mid kamid ah waddooyinka waaweyn ee ugu mashquulka badan dalka Kenya, waxaana shaqaalaha gurmadka degdega ah ay daweeyeen dadkii dhaawacmay markii ay biyuhu qarqiyeen dhul ballaadhan.

Laanqeyrta cas ee Kenya ayaa sheegtay in 109 qof la jiifiyay isbitaalka halka 49 kalena la la’yahay. Madaxweyne William Ruto ayaa ku amray Adeegga Dhallinyarada Qaranka inay bixiyaan dhul si loogu isticmaalo xero ku meel gaar ah.

In ka badan 200,000 oo qof oo ku nool guud ahaan dalka Kenya ayaa waxaa saameeyay fatahaadda, iyadoo guryihii ku yaallay deegaannada ay fatahaaduhu ka dhaceen ay qarqiyeen dhoobadda, iyadoo dadka ay magan-gelyo u noqdeen iskuullada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lix Muwaadin oo u dhashay Morocco oo Puntland sii daysay oo dalkooda dib ugu laabtay

Raggan ayaa markii hore lagu qabtay buuraleyda Cal-miskaat ee gobolka Bari ee Puntland bilowgii sannadkii 2024.

  • Afrika

    12-05-2026

  • 12:19PM

Iskaashi Siman: Faransiiska oo Afrika ugu Deeqay $27 Bilyan oo Maalgashi ah

Waa shirkii ugu horeeyay oo Faransiiska ku qabto dal aan Luuqadda Faransiiska looga hadlin, oo kamid ahayn kuwa uu soo gumeystay.

  • Afrika

    12-05-2026

  • 11:23AM