Kenya iyo Tanzania oo soo saaraya Gaas xili ay jirto xiisada Soomaaliya

Image

NAIROBI, Kenya – Madaxweyneyaasha Kenya iyo Tanzania ayaa ku heshiiyay in ay soo saaran Gaaska dabiiciga ah kadibna ay ka baayac-mushtaraan xili ay taagan tahay xiisada Muqdisho iyo Nairobi ee dhanka xuduud badeedka.

Uhuru Kenyatta iyo John Magufuli ayaa sidoo kale isku raacay in shirkado ay kamid tahay Equinor ASA ay ka shaqeyaan horumarinta wax soo saarkooda isla markaana ay u iibiyaan waddamada caalamka.

"Waxaanu haysanaa Gaas dabiici ah, waliba Gaas aad u badan. Waanu oganahay Kenya waxay u baahan tahay Gaas," ayuu Magufuli yiri kadib markii uu Kenyatta u socdaaley waddankaasi.

Wasiirada Tamarta ee labadda dowladood ayaa waxay dhowaan bilaabayaan wada hadalo ay uga arrin-sanayaan siyaasadaha loo baahan yahay iyo kaabeyaasha dhaqalaaha, sida ku cad war-saxaafadeed.

"Iyadda oo Kenya meel ka baxsan Geeska Afrika ay kasoo dhuufsato Gaas, waxay haatan ka iibsan doonan halkan," ayuu hadalkiisu daba dhigay John Magufuli, sidda ku xusan bayaan kasoo baxay Madaxtooyada Kenya.

Hasa ahaatee warka qoraalka ah oo loo diray qeybo kamid ah warbaahinta ayaa nan lagu kala caddeyn waddanka laga soo saarayo Gaaska.

Tanzania oo illaa iyo haatan waxay soo saartey in ka badan 56 trillion cubit feet oo Gaaska dabiiciga ah ayaa waxay heshiisyo ay kula jirtaa shirkado caalami ah halkaasoo ay ka heshay aduun dhan 30 bilyan oo dollar.

Shirkaddaha kala ah; Equinor, Royal Dutch Shell Plc iyo Ophir Energy Plc ayaa waxay yihiin kuwa iska leh xirmooyinka Gaaska dabiiciga ah ee uu soo saartey dalkan dhaca Bariga qaaradda Afrika.

Heshiiskan ay gashay Kenya ayaa kusoo beegmaya iyadda oo ay taagan tahay xiisad dhanka xuduud badeed ah oo kala dhaxeysa Soomaaliya kuna aadan goob badkeedu yahay 100 kilometer oo hodan ku ah Gaas iyo Shidaal.

Xasaradan ayaa mad-madow gelisay xiriirka diblumaasiyadeed ee labadda dal kaasi oo iminka taagan meeshii ugu adkaa.

Maxkamadda Cadaaladda Aduunka ee ICJ taasoo kiiskaan loo gudbiyey bishii Agoosto 2014-kii ayaa dib u bilaabeysa dhageysiga galkan September xili ay Nairobi ku guuldareysatay isku dayo ay wada hadalo ku dooneysay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sierra Leone: Koronto la'aan sababtay inuu shaqada ka tago wasiir awood badan

Shirkadda Korontadda laga leeyahay Turkiga ee Karpowership ayaa jartey korontada muddo todobaadyo ah.

  • Afrika

    28-04-2024

  • 04:30AM

Dowladda Burkina Faso oo xayiraad adag kusoo rogtay BBC iyo VOA

Tani ayaa ka dambeysay kaddib markii ay tabiyeen warbixin ay ku eedeysay ciidamadooda dil wadareed.

  • Afrika

    27-04-2024

  • 04:34AM