Kenya: Kama aargoosan doono Soomaaliya

Image

NAIROBI, Kenya – Dowladda Kenya ayaa guddi gaar ah u saareysa si xal diblumaasiyadeed loogu goobayo khilaafka kala dhaxeeya Soomaaliya, sidda uu Talaadada maanta ah sheegay Cyrus Oguna, afhayeenka xukuumada Nairobi.

Dhawaqan ayaa imaanaya ka gedaal markii Muqdisho ay xiriirkii diblumaasiyadeed ee Nairobi u joojisay "xadgudubka joogtada ah ee Kenya ku sameyneyso madax-banaanida iyo sharafta Soomaaliya".

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Cismaan Dubbe, ayaa shaaciyey in Muqdisho ay diblumaasiyiinteeda kala baxeyso Kenya, isaga oo kuwa Kenyanka ah ee jooga magaala madaxda faray in ay dalkooda ku laabtaan.

Isaga oo warfidiyeenka la hadlayey Talaadada maanta ah, Oguna ayaa ku adkeystay in dowladda Kenya aysan ku dayan doonan go'aanka ay qaadatay Soomaaliya.

"Waxaanu nahay qaran heer sarre ah, ma sameyn doono waxyaabaha ay Soomaaliya sameysay. Hadii aan sameynno, waxay u muuqaneysa aargoosi, waxaan u gudbin doonaa IGAD iyo Comesa," ayuu tibaaxay.

Oguna ayaa hadalkaas ka sheegay shir jaraa'id oo uu kaga warbixinyey dedaaladda waddankiisa uga hortagayo duulaanka Ayaxa.

Wargeyska The Star ayaa illo ku dhow wasaaradda arrimaha dibadda Kenya wuxuu kasoo xigtay in aysan helin warqada rasmiga ah ee hakinta cilaaqaadka. "Waxaan talaabo qaadeynaa marka warqada helno," ayay tiri.

Muqdisho iyo Nairobi ayaa madaxa iskula jiray sanadihii ugu dambeeyay iyadda oo mawduucyadda la isku hayo ay safka hore kaga jiraan; Jubaland, Somaliland, dacwadda badda, xayiraadda Qaadka [Jaadka] iyo arrimaha socdaalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jabuuti oo u diyaar garowday doorashada madaxtooyada, Geelle oo la filayo inuu guuleysto

Doorashadii ugu dambeysay ee 2021 ayuu ku guuleystay Geelle qiyaastii 98 boqolkiiba codadkii la dhiibtay.

  • Afrika

    09-04-2026

  • 12:03PM

Ciidanka Kenya oo Islii ku Qabtay Dharka Tuutaha oo loo waday Al-Shabaab

Saraakiisha amniga Kenya ayaa sheegay in hawlgalkan uu dhabar-jab weyn ku yahay saadka iyo qorshayaasha kooxda Al-Shabaab.

  • Afrika

    09-04-2026

  • 06:19AM