Kenya oo amar kusoo rogtay Basaska kadib weerarkii Al-Shabaab

Image

NAIROBI, Kenya – Basaska ka howlgala degaanada hoostaga gobolka Waqooyi Barri ee Kenya ayaa lagu amray in ay gal-biyaan ciidamo boolis ah, sidda laga soo xigtay warbaahinta maxaliga ah.

Taliyaha booliska gobolka, Maxamed Biriq, ayaa sheegay in talaabadan ay salka ku hayso badbaadinta rakaabka.

Biriq ayaa carabka ku dhuftay in darawaladii aan u hogaan-sami amarkaan cusub ay xabsi u taxaabi doonan.

Go'aankan ayaa si gaar ah u quseeya Basaska adeegsada wadada isku xirta Garissa-Holugho, Garissa-Liboi iyo Garissa-Wajir.

Talaabo noocaan ah ayay Kenya horey u soo saartay, balse darawaladda qaarkood ma aysan dhaqan-gelin, waxaana taliye Biriq uu caddeeyay in lala xisaab-tami doono shaqsiyaadkaas.

"Waa ayaan darro in darawaladda qaarkood ay kasoo horjeesteen. Hase ahaatee, doorkan ma ogolaan doono in waxay doonan ay sameeyaan," ayuu Biriq yiri xili uu saxaafada kula hadlay Garissa.

Laba todobaad kahor ayay ahayd markii Al-Shabaab ay weerar jid-gal ah ku qaadey Bas ku socdaalayey wadada Kutulo-Wargadud, halkaasoo ay ku dishay sideed askari, laba macalin iyo dhakhtar.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Eritrea oo ka cabsi qabto in Itoobiya xoog ku qabsato dekedda Assab [Casab]

Abiy Axmed ayaa yiri bishii hore: “Waxaan boqol jeer hubaa in Itoobiya aysan sii ahaan doonin dal bad la'aan ah.”

  • Afrika

    08-11-2025

  • 05:35AM

Midowga Afrika: Doorashadii Tanzania ma waafaqsana heerarka dimoqraadiyadda

Warbixintu waxay ku tilmaantay in doorashadu “aysan u hoggaansamin mabda’a AU, qaab-dhismeedyada caadiga ah.

  • Afrika

    06-11-2025

  • 06:38AM