Kenya oo amartay xarig ka dhan ah mas'uuliyiinta gobolka Soomaalida

Image

NAIROBI, Kenya – Dacwad-oogaha Kenya, Nuuradiin Xaaji, ayaa amray in lasoo xiro gudoomiyaha Garissa, Cali Korane, iyo afar mas'uul kale oo ismaamulka kamida. Dhamaan waxay wajahayaan dacwad la xiriirta musuqmaasuq.

Nuuradiin oo war-saxaafadeed soo saarey ayaa wariyey in mas'uuliyiintaan ay is-dabamariyeen 235 milyan oo lacagta Kenya ah taasoo qeyb ka ahayd deeq ka timid Baanka Aduunka loogula talogalay magaalooyinka.

Bayaanka ayuu ku caddeeyay in baaritaan ay sameeyeen ku ogaadeen in lacagtaas aan gabi ahaanba lagu maalgelin barihii loo qorsheeyay.

Kaalmada ayaa qorshuhu ahaa in lagu dhiso suuqa Qoraxey, dib-u-dayactirka waddooyinka Garissa, dhismaha bulaacado iyo derjiino.

"Mashaariicdaan waxaa lagu wadday in la fuliyo mudadii u dhaxeysay Febraayo illaa September sanadkii 2019," ayaa lagu yiri warka qoraalka.

Gudoomiye Korane oo wali aan ka jawaabin wararkaan ayaa si gaar ah waxaa loogu eedeeyay in uu fududeeyo lunsashadan dhaqaalahaan.

"Waxaan haynaa caddeymo xoojinaya dacwadeena ku saleysan Xeerka la dagaalanka musuqmaasuqa iyo Dambiyada Dhaqaalaha si lamid ah Xeerka Maamulka Maaliyadda ee 2012," ayaa lagu soo xiray warka.

Eedeysaneyaasha wehliya Korane waa; Ibraahim Nuur Maalow, madaxa maaliyada, Maxamed Axmed Cabdullaahi, hantidhowraha, Cabdi Shale, madaxa fulinta degaanka, iyo Axmed Cabdullaahi Aadan, madaxa xisaabaadka.

Gobolada ay Soomaalida ku badan tahay ee Kenya ayaa la tabiyey in uu ka jiro musuqmaasuq baahsan isla markaana mas'uuliyiinta ay danahooda gaarka ah ku fushaan lacagaha loogu soo dhiibay bulshadda dooratay ee ay metelaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

DR Congo: Xeer Ilaaliyaha Guud oo Dalbaday in dil lagu xukumo Madaxweyne Hore Joseph Kabila

Kabila ayaa bishii May laga qaaday xasaanaddii uu ku lahaa golaha sare ee dalka, isagoo ahaa senator noloshiisa.

  • Afrika

    23-08-2025

  • 01:24PM

Japan oo kusoo biirtay Loolanka Mareykanka iyo Shiinaha ee Khayraadka Afrika

Ra’iisul Wasaare Ishiba ayaa la filayaa inuu ku dhawaaqo qaab-dhismeed cusub oo iskaashi ah oo u dhexeeya Indo-Pacific iyo Afrika.

  • Afrika

    21-08-2025

  • 07:09AM