Kenya oo caddeysay xiriirka kala dhaxeynaya DF kadib xukunka ICJ

Image

NAIROBI, Kenya – Iyadda oo Maxkamadda Cadaaladda Aduunka ay isu diyaarineyso in ay dib u bilowdo dhageysiga dacwadda badda ee Soomaaliya iyo Kenya, ayay Nairobi caddeysay xiriirka mustaqbalka fog.

Isaga oo saluug kooban muujinaya, xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya, Macharia Kamau, ayaa shaaca ka qaaday in mar walba ay cilaaqaad wanaagsan la yeelanayaa Soomaaliya.

"Kenya iyo Soomaaliya waxay lee yihiin cilaaqaad caadi ah," ayuu Kamau u sheegay wargeyska dhinaca dowladda u jaran-jeera ee Daily Nation.

Dacwadda badda ee hortaala ICJ ayaa mad-madow soo gelisay xiriirka labadda dowladood ee deriska ah iyadda oo Nairobi lagu eedeeyay in ay dheeshay siyaasad ku dhisan cadaadis qar iska tuurnimo ah.

"Xaqiiqadii, Kenya waa mid kamid ah ka-faa'iideystayaasha siyaasada, dhaqaalaha, arrimaha bulshadda iyo bini'aadanimadda Soomaaliya," ayuu hadalkiisa ku daray.

Soomaaliya ayaa kiiska badda horgeysay Maxkamadda sanadkii 2014-kii, markaasi oo ay soo kordheen sheegashooyinka beenta ah ee Kenya ku dooneyso biyaha dalka leh xeebta ugu dheer Afrika.

"Qadiyadda badda waa mid abuurtay xoogaa xiisad, balse xiisadahaasi waa mid aanan caadi aha marka ay timaado muran badeedyadda caalamiga ah," ayuu hoosta ka xariiqay.

Tan iyo markii uu soo bilowday kiiskan, Kenya ayaa xusul-duub ugu jirtay in miiska wada hadal lagu dhameeyo arrinkan, balse waxaa qashinka ku dartay codsigaasi xukuumadda Muqdisho.

"Waxaan ka niyad-jabnay in Soomaaliya ay go'aansatay in ay qaado sharci dagaal badan, iyaddoo iska indho tirtay Qaramada Midoobay, Midowga Afrika iyo xeerarka caalamka ee farsamooyinka wada hadalka," ayuu ku daray.

Mas'uuliyiinta Soomaaliya oo ku adkeystay in ay ka dhowr-sugayaan Maxkamadda Cadaaladda Aduunka ayaa daboolka ka qaaday in ay u muuqato guul ay ka gaari doonan gal-dacwadeedkan.

"Farsamooyinkan waa muhiim, maxaa yeelay waxay muujinayaan ixtiraamka deris wanaaga. Waxaa kale oo nasiib darro ah in arrinta xuduudaha badda loo afduubay siyaasadda cakiran ee Soomaaliya," ayuu ku dooday.

Maxkamadda Cadaaladda Aduunka ayaa dhageysiga kiiska badda waxay dib u bilaabeysaa bisha September 19-keeda, iyadda oo kadibs oo saari doonta xukunka ugu dambeeya, wallow aanan waqti loo cayimin.

"Kenya waxay jelclaan lahayd in arrinta xuduud badeedka lagu xaliyo si lamid ah qaababkii lagu dhameeyay arrimihii badda ee wadamada kale ee deriska la ah," ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

In ka badan 100 caruur agoon ah loo sameynayo aroos wadareed

Talaabadan ayaa carro xooggan waxa ay ka dhalisay guud ahaan waddanka Nigeria.

  • Afrika

    18-05-2024

  • 03:35AM

Itoobiya oo cambaareysay hadal kasoo yeeray Mareykanka

Xukuumadda Addis Ababa ayaa sheegtay in aan lagala tashan hadalada kasoo yeeray Washington.

  • Afrika

    17-05-2024

  • 03:43AM