Dowladda Kenya oo dad u xirtay weerarkii Al-Shabaab ee Wajeer

Image

NAIROBI, Kenya – Laba ruux oo lala xiriirinayo weerarkii Al-Shabaab ku beegsatay gaari bas ah oo ku socdaalayey gobolka waqooyi barri Kenya ayaa la xiray, sidda ay xaqiijiyeen mas'uuliyiin.

Maxamed Biriq, taliyaha booliska gobolka Waqooyi-Barri, ayaa sheegay in xabsi loo taxaabay darawalka iyo qof rakaabka kamid ahaa oo "la tuhunsan yahay".

Labadoodda ayuu tilmaamay in la xiray kadib markii goobjooge lala yeeshay wareysiyo kala gedisan uu soo bandhigay macluumaad ku saabsan hab-dhaqankooda oo "su'aallo badan dhaliyey".

"Waxaan waydiineynaa su'aallo. Labadooda waxay sheegeen in ay si dirqi ah ku badbaadeen," ayuu yiri, isaga oo caddeeyay in laba sarkaal la la'yahay kadib weerarkaas.

Warbixino laga helay mukhaabaraadka oo ku saleysan xogo ay bixiyeen shaqaalaha Baska ayaa tibaaxay in rakaabka aan la magacaabin uu sameynayey wicitaano badan intii ay jidka ku jireen.

Darawalka ayaa waxaa la sheegay in safarka baska, oo kasoo baxay Wajeer kuna sii jeeday Mandheera, uu si ula-kac-ah dib ugu dhigay muddo afar saac ah.

Wajeer ayaa la sheegay in uu kasoo baxay saddexdii galabnimo, halka qorshuhu ahaa in uu soo dhaqaajiyo 11-kii galabnimo.

Sideed sarkaal oo ka tirsan booliska ayaa lagu dilay weerarka oo Jimcadii ka dhacay meel ku dhow tuuladda Kutulo. Laba kamid ah dadka la dilay ayaa kala ahaa Macalin iyo Dhakhtar.

Goobjoogeyaal ayaa sheegay in baska Madiina la joojiyey kahor inta aysan dableydu u kala saarin rakaabka Muslim-Masiixi iyo kuwa aan u dhalan degaanka iyo kuwa u dhashay, kadibna waa la toogtay.

Taliye Biriq ayaa sheegay in labadda laga shakisan yahay lasoo taagi doono maxkamad marka uu dhamaado baaritaanka. Suurtogalnimadda in loosoo duuliyo Nairobi ayuusan meesha ka saarin.

Hogaamiyeyaasha gobolka Wajeer ayaa cambaareeyay falkaan, waxayna sheegeen in ay xoojin doonan gulufka ka dhanka ah xoogaga Al-Shabaab.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo tacsi u diray eheladda askarta iyo rayidka ayaa wuxuu wacad ku maray in weerarkan uusan kala qeybin doonin dowladiisa.

Kenya ayaa weeraro culus oo dhimasho badan sababa kala kulmeysaa Al-Shabaab tan iyo 2011-kii, xiligaas oo ciidamadda dalkaas ay soo galeen Soomaaliya si ay qeyb uga noqdaan taliska AMISOM.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM