Kenya oo dalab cusub kana dhan ah Al-Shabaab u gudbisay Mareykanka

Image

NAIROBI, Kenya – Afhayeenka baarlamaanka Kenya, Justine Muturi, ayaa ku dhaleeceeyay Mareykanka in uu kasoo horjeestay dalabkooda ku aadan in Al-Shabaab uu u aqoonsado koox argagixiso ah.

Sidda laga soo xigtay Muturi, talaabada Mareykanka ayaa maleyshiyaadka gacansaarka la leh shabakadda Al-Qaacida u ogolaaneysa in ay taageero maaliyadeed ka helaan ururo caalami ah.

"Kooxaha dilaayaasha ah sida AlShabaabka Soomaaliya waxay ku raaxeysanayaa iyagga oo difaac ka helaya qaar kamid ah awoodaha caalamka iyagga oo u maraya arrimo bini'aadanimo," ayuu yiri.

Nairobi ayaa dhowaan u gudbisay Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa qaraar ay ku dalbaneyso in AlShabaab loo aqoonsado urur argagixiso oo caalami ah si gulufka ka dhanka ah uu meel sarre u gaaro.

Balse qaraarkaas oo tirsigiisu ahaa 751 ayaa waxaa ka hor-yimid Golaha Ammaanka ee Qaramadda Midoobay, kaasoo tibaaxay in uu ku filan yahay qaraar kale oo cunaqabateyn saaraya xoogaga.

Hogaamiyeyaasha Al-Shabaab ayaa waxaa haatan saaran xayiraad dhanka socdaalka iyo maaliyadda xili mid walba oo iyaga kamid ah madaxiisa la dul-dhigay aduun lacageed cidda xogtiisa keenta la siinayo.

Muturi ayaa mar kale xukuumadda Washington ku booriyey in uu Al-Shabaab u aqoonsado urur argagixiso oo caalami ah.

Al-Shabaab ayaa weeraro dhimasho dhaliya ka fulisa Kenya tan iyo markii ciidamadda wadankaas ay galeen Soomaaliya sanadkii 2011-kii, iyaga oo qayb ka ah howlgalka nabad-ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.

Dowladda Soomaaliya ayaa si cad ganafka ugu dhufatay qaraarka Kenya, iyaddoo cok-saneysa in uu dhibaato u geysanayo Shacabka. Diidmadaas ayaase lagu sifeeyay mid siyaasadeysan maadaama ay xiisad jirto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Zimbabwe ee qorsheynaya inuu xukunka hayo inta ka dhiman cimrigiisa

Hopewell Chin’ono oo ah weriye baaritaanada sameeya isla markaana u ololeeya la dagaallanka musuqmaasuqa.

  • Afrika

    05-04-2026

  • 12:29PM

Midowga Afrika oo Taageeray Hindisaha Shiinaha iyo Pakistan ee lagu joojinayo dagaalka Iran

Wuxuu hoosta ka xariiqay in qaaradda Afrika ay si gaar ah u dareemayso saameynta dhaqaale ee ka dhalatay iska horimaadkan.

  • Afrika

    04-04-2026

  • 11:52AM