Kenya oo dib-u-howlgelisay safaaradeeda Muqdisho

Image

NAIROBI, Kenya - Safiirka Kenya u fadhiya Soomaaliya Lucas Tumbo ayaa maanta gaarey magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya todobaad un kadib markii labada dal ay ku heshiiyeen soo celinta xiriirkooda diblomaasiyadeed.

Sida laga soo xigtay saraakiil ka tirsan wasaaradda arrimaha dibedda Kenya, Tumbo iyo shaqaale kale oo diblomaasiyiin ah ayaa markii ugu horreysay ku soo laabtay dalka ka dib toddobo bilood oo ay hawlo diblomaasiyadeed u joogeen

Tumbo ayaa laga saaray Soomaaliya bishii Nofeembar ee la soo dhaafay ka dib markii Soomaaliya ay ku eedeysay deriskeeda inay faragelin ku hayso howlaha doorashada ee Jubbaland, oo ka mid ah shanta dowlad-goboleed ee Soomaaliya ka jira.

Kenya waxay diiday sheegashooyinkaas, iyadda oo koox uu sameeyay Urur Goboleedka IGAD (Igad) si ay u baaraan sheegashooyinka ay soo saareen xukun ‘dambi la'aan ah’, wallow Soomaaliya diiday.

Dhowaan, Kenya waxay dib u fasaxday hawadeeda duulimaadyada ka imanaya Soomaaliya markii la hakiyay. Kenya ayaa hakisay duulimaadyadii ka imaan jiray Soomaaliya muddo bil ku dhow iyadoo xiriirka labada dal uu noqday mid aad u qabow.

Kenya iyo Soomaaliya ayaa hadda ku socda wadadii ay dib ugu soo celin lahaayeen xiriirkooda go’an.

Soomaaliya ayaa ku boorrisay Kenya inay dib u furto safaaraddeedii Muqdisho, iyadoo u xaqiijisay inay ka shaqeyn doonto dib u furista safaaraddeeda Nairobi taasoo ku xirantay is-mari-waaga diblumaasiyadeed ee soo kala dhex-galay dalalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Tanzania oo Gabadheeda iyo Ninkeeda kusoo dartay Gollaha Wasiiradda

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa magacaawday ninka Wanu Hafidh Ameir, Mohamed Mchengerwa, inuu noqdo Wasiirka Caafimaadka.

  • Afrika

    18-11-2025

  • 05:13PM

Gabdho laga afduubey Iskuul ku yaalla dalka Nigeria 

Dadka deegaanka ayaa aad uga walaacsan amniga carruurta waxbarata iyo in weerarradan oo kale ay sii badanayaan.

  • Afrika

    18-11-2025

  • 08:16AM