Kenya oo faa'ido badan ka heshay ganacsiga Soomaaliya 2024

Image

Kampala, Uganda – Madaxweynaha Kenya, William Ruto, ayaa ku dhawaaqay in Soomaaliya ay ka iibsatay dalkiisa badeecooyin qiimahoodu gaarayo $38 milyan inta lagu guda jiray sagaalkii bilood ee ugu horreeyay ee sanadkii 2024, arrintan oo timid kadib markii Soomaaliya ay ku biirtay Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC) sannadkii hore.

Hadalkan ayaa la shaaciyay kaddib wada-hadallo uu Madaxweyne Ruto la yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, intii lagu jiray shirka Horumarinta Beeraha ee Qaaradda Afrika (CAADP) oo ka dhacay magaalada Kampala, Uganda.

Madaxweyne Ruto ayaa sheegay in ganacsiga sii kordhaya ee labada dal uu yahay caddeyn muuqata oo ka tarjumaysa faa’iidada ku biirista Soomaaliya ee EAC, isla markaana ay ku dhiirrigelinayso iskaashiga ganacsiga iyo dhaqaalaha gobolka.

“Iskaashiga Soomaaliya iyo Kenya wuxuu muujinayaa sida ganacsiga gobolka uu uga faa’iideyn karo dalalka xubnaha ka ah EAC, iyadoo si gaar ah kor loogu qaadayo isku xirnaanta dhaqaale,” ayuu yiri Madaxweyne Ruto.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa dhankiisa tilmaamay in iskaashiga noocan ah uu fure u yahay kor u qaadidda dhaqaalaha Soomaaliya iyo horumarinta xiriirka diblomaasiyadeed ee dalalka deriska.

Wuxuu xusay in ku biirista EAC ay Soomaaliya siineyso fursado badan oo ay ku kobcin karto kaabayaasha dhaqaalaha iyo horumarinta ganacsiga.

Kulanka CAADP ayaa si gaar ah diiradda u saaray muhiimadda ay leedahay horumarinta beeraha iyo sidii dalalka Afrika ay uga wada shaqeyn lahaayeen xaqiijinta amniga cuntada iyo kobcinta dhaqaalaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lix Muwaadin oo u dhashay Morocco oo Puntland sii daysay oo dalkooda dib ugu laabtay

Raggan ayaa markii hore lagu qabtay buuraleyda Cal-miskaat ee gobolka Bari ee Puntland bilowgii sannadkii 2024.

  • Afrika

    12-05-2026

  • 12:19PM

Iskaashi Siman: Faransiiska oo Afrika ugu Deeqay $27 Bilyan oo Maalgashi ah

Waa shirkii ugu horeeyay oo Faransiiska ku qabto dal aan Luuqadda Faransiiska looga hadlin, oo kamid ahayn kuwa uu soo gumeystay.

  • Afrika

    12-05-2026

  • 11:23AM