Kenya oo fasax siisey diyaarado tagaya xarunta Somaliland

Image

NAIROBI, Kenya - Kenya ayaa "u ogolaatay laba duullimaad inay u duulaan xarunta Somaliland si ay u geeyaan agabka doorashada, inkasta oo ay xayiraad saaryay duulimaadyada aadaya iyo kuwa ka imaanaya Soomaaliya.

Ansixin diblumaasiyadeed oo sumaheedu tahay MFA/PRO.91/ 002(052) soona baxdey Khamiistii ayay Nairobi ku sheegtay in laba diyaaradood oo ay maamusho Astral Aviation loo ogolaan doono inay qalabka ka qaadaan garoonka caalamiga ah ee Jomo Kenyatta, Nayroobi, iyada oo la sii marinayo Jabuuti ayna tegayaan caasimada Somaliland ee Hargeysa.

MacDonnell Douglas DCC-9F iyo Boeing B727-727F, oo labaduba ka diiwaangashan Kenya, ayaa qalabka qaadaya inta u dhexeysa 13-ka ilaa 15-ka Maajo iyadoo ay suuragal tahay in loogu daro haddii dib-u-dhac yimaado.

"Waxaan si naxariis leh u sheegeynaa in fasaxa ku kooban yahay 72 saacadood; daaqadu waa u furan tahay haddii dib-u-dhac yimaado," ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Kenya oo Khamiistii la gaarsiiyey Xafiiska Xiriirka Somaliland.

Somaliland, gobol isku haysta inuu ka madaxbanaan yahay Soomaaliya, ayaa lagu wadaa inay qabsoonto doorashooyinka maxalliga ah iyo baarlamaanka 31-ka May kadib dib-u-dhac lix sano xirir ah.

Balse, Soomaaliya xilligan waxay ku jirtaa xaalad kacsan oo siyaasadeed, iyadoo dhinacyaddu aysan weli ku heshiin taariikhda iyo goobaha doorashada. Xiisadan waxay taagan tahay muddo ka badan saddex bilood waana tan iyo markii uu dhammaaday muddada afarta sano ahayd ee Maxamed Farmaajo Cabdullaahi Farmaajo oo wajahaya eedo badan.

Go'aanka xukuumada Nairobi fasaxa ku siisey diyaaradaha u socdaalaya Hargeysa ayaa imaanaya xilli ay dhowaan hakisay duulimaadyaddii Soomaaliya "sababo ammaan". Muqdisho way "la yaabtay talaabadaas".

Xayiraadda socdaalka oo timid xilli xiisada labada dal ay xiriirka diblumaasi kusoo celiyeen dhexdhexaadinta Qadar ayaa ka dambeysay markii Muqdisho ay diidey in ay suuqa u furto Jaadka miiraha ee ka yimaada Kenya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa’iil oo Danjire u Magacawday Somaliland

Magacaabista Michael Lotem ayaa loo arkaa mid xoojinaysa xiriirka cusub ee dhex maray Israa’iil iyo Somaliland.

  • Afrika

    15-04-2026

  • 07:56PM

Taliyaha Ciidanka Uganda oo dalbaday "Gabadha ugu quruxda badan Turkiga" iyo $1 Bilyan oo dollar

Marka laga soo tago dalabkaas dhanka guurka ah, Jeneraalka ayaa sidoo kale dalbaday lacag dhan $1 bilyan oo dollar.

  • Afrika

    12-04-2026

  • 11:30AM