Kenya oo gubtay alaab lagu qiimeeyay 44-kun kana timid Soomaaliya

Image

NAIROBI, Kenya – Mas'uuliyiinta ismaamulka Wajeer ee Kenya ayaa Khamiistii dab-qabad siiyey maceeshad lagu qiimeeyay ku dhowaad 44-kun oo Doollar-ka Mareykanka taasoo ka timid dhanka Soomaaliya.

Saraakiisha ayaa tibaaxay in alaabta la gubay, oo isugu jirtay Caano, Sonkor iyo Cunnooyin kale, ay ka qabteen xadka laba waddan.

Taliska Booliska ayaa ku tilmaamay badeecaddan mid qaab aan sharciga waafaqsaneyn lagu geliyay dalkan dhaca barigga qaaradda Afrika.

Wargeyska afka dheer ee kasoo baxa Nairobi, Daily Nation, ayaa ku waramaya in maxkamad ay amar ku bixisay in la burburiyo raashiinka.

Cumar Beja, taliyaha bileyska Wajeer, ayaa ku dhawaaqay in waqti xaadirkaan sohdinta Soomaaliya-Kenya ay ka xiran tahay ganacsiga.

Bilooyin kahor ayay ahayd markii isla gobolkaan lagu gubay maceeshad lagu qiimeeyay ku dhowaad 48-kun oo Doollar-ka Mareykanka ah, taas oo ka timid dhinaca Soomaaliya laguna qeexay mid sharci darro ah.

Maamulka ayaa wuxuu ku goodiyey in ay kordhin doonan howlgaladda ka dhanka ah "raashiinka sida sharci daradda lagu soo gelinayo gobolka".

Soomaaliya iyo Kenya, oo haatan ay ka dhaxeyso dacwad dhanka xuduud badeedka ah, ayaa waxay wadaagaan xuduud lagu sheegay 500 KM.

Kiiskaan oo mad-madow u yeelay cilaaqaadka labadda dowladood ayaa saameeyay; ganacsiga, siyaasadda, diblumaasiyadda iyo is-dhexgalka gaar ahaan dhanka xuduudka oo la adkeeyay.

Maxkamadda Cadaaladda Aduunka ee ICJ, taas oo gal-maqalka uu horyaalo, ayaa muddeysay in bisha June ee 2020-ka ay dib u bilaabi doonto dhageysiga kiiskan oo taagan tan iyo bishii August 2014.

Dacwadda u dhaxeysa labadda waddan ee deriska ah ayaa waxay ku saabsan tahay goob ku taala xuduudka, halkaas oo hodan ku ah noocyo kamid ah kheyraadka dabiiciga ah sida; Gaaska naqaska ah iyo shidaalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM