Kenya oo hanjabaad culus u dirtay "maal-galiyayaasha" Al-Shabaab

Image

NAIROBI, Kenya – Dowladda Kenya ayaa ku dhawaaqday in ay xoojin doonto howlgalada "lagu naafeynayo" Al-Shabaab markii ay kordheen weerarada ay kooxdaas ka fuliso gudaha waddankaas.

Fred Matiang'i, wasiirka arrimaha gudaha, oo la kulmay taliyeyaasha amniga, ayaa tilmaamay in istaraatiijiyadooda cusub ay ku beegsan doonan ilaha ay dhaqaalaha ka hesho Shabaab.

Sidda uu ka dhawaajiyey Mr Fred, ganacsiga sharci daradda ah ee gobolka Waqooyi Bari waa isha koowaad ee hurinaya weerarada ay maleeyshiyaadka ka geystaan magaalooyinka.

"Maadaama baaris lagu xaqiijiyey arrintaas, waxaan iminka u soconaa in aan gacan bir ah ku qabanayo kooxaha sidda sharci darada ah wax u dhoofiya," ayuu ku daray intii kulanku socday.

Hay'addaha nabad-gelyada ayuu faray in ay sidda ugu dhaqsiyaha badan roondo uga bilaabaan degaanada sohdinta.

Isagoo hadalkiisa sii wata, wasiirka ayaa carabka ku adkeeyay in sidoo kale qorshahooda cusub ay ku bartilmaameedsan doonan "maal-geliyayaasha qarsoon ee jihaad-aloosheyaasha".

"Iyaddoo ganacsiga sharci darada ah la xiriiro argagixisada, kuwa maalgeliya ee dhaqalaha ku bixiya waxaan ula macaamili doonaa sidda maleeyshiyaadka," ayuu cod dheer ku raaciyey.

Hadalkan ayaa imaanaya iyaddoo kaliya bishaan Janaayo, 2020 ay Al-Shabaab gudaha Kenya ka geysatay in ka badan tobban weeraro kuwaasoo lagu khaarijiyey dad ay ku jiraan ajaaniib iyo shacab.

Weerarada ayaa lagu kala beegsaday saldhigyo ciidan, xarumaha shirkad isgaarsiin, goobo waxbarasho iyo gaadiid bas oo rakaab ah.

Kenya ayaa la daalaadhaceysa iska caabinta xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida tan iyo 2011-kii, xilligaas oo askarteeda ay kamid noqdeen howlgalka nabad-ilaalinta Soomaaliya ee AMISOM.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Uganda oo si qarsoodi ah Ciidamo badan ugu dirtay Congo

Si kastaba ha ahaatee, khubarada Qaramada Midoobay ayaa aaminsan in ujeedada dhabta ah aysan ahayn kaliya la-dagaallanka kooxaha hubeysan.

  • Afrika

    05-07-2025

  • 06:47AM

Baarlamaanka Mali oo Ansixiyay Sharci Siinaya Gen. Assimi Goita Awood Madaxweyne Aan La Dooran

Go'aanka Khamiistii la gaaray ayaa fursad u siinaya Gen. Goita inuu sii xukumo Mali ugu yaraan ilaa sanadka 2030.

  • Afrika

    05-07-2025

  • 05:42AM