Kenya oo ka digtay "halista" qorshe ay Itoobiya ka wado Soomaaliya

Image

NAIROBI, Kenya – Loolanka juquraafi, xag ganacsi iyo sarreynta ee dalalka gobolka Geeska Afrika ayaa hadda u muuqda mid karaar-qaadanaya xili Kenya ay digniin culus hawada u marisay wadamada dhaca mandiqada.

Aadan Maxamed, xoghayaha laanta fulinta Kenya ee fadhiya ururka Bulshadda Bariga Afrika ayaa cod dheer ku tilmaamay in waddankiisa "si abaabulan loo go'doomiyey si loo wiiqo mashariicda kaabeyaasha dhaqaalaha".

Xukuumadda Nairobi ayaa si gaar ah farta ku fiiqday khatar ay sheegtay in ay uga soo fool leedahay qorsheyaal ay kamid tahay dekado ay Itoobiya ka dooneyso Soomaaliya, oo ah dalka leh xeebta ugu dheer qaaradda.

Sidda laga soo xigtay Aadan Maxamed, ujeedada kale ee laga leeyahay arrintaan ayaa waxay tahay in lala wareego awooda iyo gacan-sareynta Kenya".

Mr Maxamed oo la hadlay wargeyska Daily Nation ayaa sheegay in Kenya ay khatar ugu jirto in ganacsiga caalamka ay ka saaraan dalalka gobolka "kuwaas oo arrimahooda gaarka ah go'aan sanaya annaga oo aan ku lug lahayn".

"Waxaan u baahan nahay ka fekerno faa'iidadeena oo aan sida ugu shaqsiyaha badan ugu dhaqaaqno, maxaa yeelay hadii aan sameyn Kenya waxay ka hari doontaa ganacsiga," ayuu ku nuux-nuux saday.

Wuxuu Aadan Maxamed intaas ku daray: "Waxyaabaha hareeraheena ayey ku socon doonan. Maqaam maskamaxdeed ahaana nama caawin doonto".

Isku xirka kaabeyaasha dhaqaale ee Geeska Afrika kaas oo ay qayb ka yihiin Soomaaliya, Jabuuti, Itoobiya iyo Eritrea balse aysan qayb ka ahayn Kenya ayuu xusay "in uu halis ku yahay" ganacsiga waddankiisa.

Iskaashigaas ayaa la qorsheynayaan in uu noqdo xiriir istaraatiijiyadeed oo isku keena shirkaddaha iyo ganacsiga Bariga Afrika, Aasiya iyo Bariga Dhexe.

Kaabeyaasha dhaqaale ayaa waxaa kamid ah dekadaha. Itoobiya oo qorshahaan hormuud u ah ayaana dhowr marsooyin ka dooneysa Soomaaliya.

Daneeyeyaasha ugu weyn ee caalamka ee mashruucaan ayaa waxay kala yihiin; Shiinaha iyo dowladdaha ugu tunka sareeya gacanka Khaliijka.

Sidda laga soo xigtay warbixinadda, hadii uu hirgalo qorshahaan Itoobiya ayaa waxay xudun u noqon doontaa ganacsiga ugu balaaran ee gobolka.

"Isku xirka dowladaha gobolka balse aysan ku jirin Kenya waxay khatar iyo cawaaqib daran ku tahay ganacsiga caalamiga ah ee waddankeena," ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay mas'uul sarre Aadan Maxamed.

Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea ayaa horey ugu heshiiyey iskaashi saddex geesood ah. Xukuumadda Addis Ababa oo si yaabo gaar-gaar ah ula hadashay Kenya iyo Jabuuti waxay ku guuldareystay in ay kusoo darto Nairobi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Martha Karua oo laga masaafuriyay Tanzania iyadoo dooneysay inay daawato maxkamadeynta Tundu Lissu

Waxaa muuqata in xiisadda siyaasadeed ee Bariga Afrika ay sii xoogeysaneyso xilli ay soo dhow yihiin doorashooyin kala duwan oo muhiim ah.

  • Afrika

    19-05-2025

  • 07:52AM

Ibrahim Traoré: Hoggaamiye Ku Jira Ka Xoraynta Afrika Gacanta Gumeystayaasha Reer Galbeedka

Sida ay sheegtay Beverly Ochieng, oo ah cilmi-baare sare ka tirsan hay’adda Control Risks ee fadhigeedu yahay caalamka.

  • Afrika

    12-05-2025

  • 07:34AM