Kenya oo ka noqotay talaabo ay cadaadis ku saareysay Soomaaliya

Image

NAIROBI, Kenya – Wasaaradda Arrimaha Gudaha Kenya ayaa Arbacada maanta ah waxay si rasmi ah u qaadey xayiraad dhanka habeenkii ah oo ay saartay kalluumeysatada dowlad goboleedka Lamu.

Xayiraadaasi oo in muddo ah la codsanayey in la qaado ayaa waxa laga mamnuucay muruq-maalatada in ay kasoo jilaabtaan xeebaha ku teedsan Soomaaliya, wixii ka dambeeya labadda habeenimo.

Go'aankaasi oo soo baxay todoba bilood kahor ayaa la sheegay in uu qayb ka ahaa talaabooyin ay ku cadaadineysay xukuumadda federaalka ah.

Kenya ayaa waqtigaasi u coksatay amarkeeda mid la xiriira dhanka ammaanka iyo badqabka muwaadiniinteeda, maadaama ay Al-Shabaab weeraro geysan karaan.

Xukuumaddaha Muqdisho iyo Nairobi ayaa waxaa ka dhex-aloolsan xiisad diblumaasiyadeed oo la xiriirta dacwdda dhanka badda ah oo hortaala ICJ.

Maxkmadda Cadaaladda Aduunka oo dhageysigan kiiskan u muddeysay 9-ka bishan ayaa u bedeshay 4-ta November kadib codsi ka yimid Kenya oo ahaa waqti ay ku qorato qareeno cusub.

Gal-dacwadeedka oo taagan tan iyo 2014-tii ayaa ku saabsan goob badkeedu yahay 100 KM isku wareeg oo sohdinta badda ku taala kana buuxaan Shidaal iyo Gaas.

Ururka ay ku middeysan yihiin kalluumeysatada Lamu oo soo dhaweeyay go’aanka xayiraada lagu qaadey ayaa farxad ka muujiyey.

"40% hoos u dhac ayaan dareenay, laakiin hadda si wanaagsan ayey u socotaa shaqadda. Waana ku faraxsanahay," ayay u sheegeen The Star.

In ka badan lix kun oo kalluumeysato ayaa ismaamulkaas ka diiwaan-gishay, kuwaasi oo maalintii soo dabtay tobanaan kalluun ah, oo qayb ahaan ay biyaha Soomaaliya kasoo jilaabtaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Zimbabwe ee qorsheynaya inuu xukunka hayo inta ka dhiman cimrigiisa

Hopewell Chin’ono oo ah weriye baaritaanada sameeya isla markaana u ololeeya la dagaallanka musuqmaasuqa.

  • Afrika

    05-04-2026

  • 12:29PM

Midowga Afrika oo Taageeray Hindisaha Shiinaha iyo Pakistan ee lagu joojinayo dagaalka Iran

Wuxuu hoosta ka xariiqay in qaaradda Afrika ay si gaar ah u dareemayso saameynta dhaqaale ee ka dhalatay iska horimaadkan.

  • Afrika

    04-04-2026

  • 11:52AM