Kenya oo ka shaqeynaysa qorshooyin ka dhan ah Al-Shabaab
NAIROBI, Kenya – Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay isbedel ku sameyn doonto amniga dalkaasi, oo tan iyo 2011 ay Al-Shabaab ka fulinaysay weeraro dhaawac gaarsiiyay xasiloonida.
Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa faray hay’adaha amniga inay la yimaadaan qorshooyin ka duwan kuwoo hore, oo wax looga qabanayo weerarada kusoo noq-noqday gobolka Waqooyi bari ee Kenya.
Qorshooyinka socda ayaa waxaa kamid ah in isbedel lagu sameeyay qaabka ay u howlgalaan ciidamada Kenya ee ku sugan xuduuda Soomaaliya, iyadoo la siinayo awoodda dheeraad ah.
Cutubyo katirsan Militeriga ayaa la geyn doonaa degaanada falalka amni darro ay ka dhacayaan, kadib markii booliska uu ku guuldareystay howlgalkii socday saddexdii sano ee lasoo dhaafay.
Maamulka gobolka Waqooyi Bari ayaa shaaca ka qaadey in askarta loo ogolaan doono in ay gaadiidka dadweynaha la raacaan hubkooda, hadii loo baahdo si looga difaac Kooxda Al-Shabaab.
Saraakiisha gobolka, oo kulan ay yeesheen kadib weerarkii dhawaan ka dhacay Wajeer, ayaa uga digay dadka shacabka ah in ay la shaqeeyaan ama ay taageeraan Al-Shabaab.
Talaabada ay qaadeyso Kenya ayaa kusoo aadaya maalmo kadib markii Al-Shabaab weerar ku qaadey bas ku safrayey wadada isku xirta Wajeer iyo Mandheere, kaasi oo lagu dilay 10 ruux.
Askar boolis ah ayaa ku jiray dadkii weerarka ku dhintay. Laamaha ammaanka waxay sheegeen in ay laba qof u xireen falkaan oo uu cambaareeyay Madaxweyne Uhuru Kenyatta.
Weerarkii baska Wajeer ayaa noqonaya midkii ugu horeeyay oo gaari rakaab lagu beegsado muddo sanado ah kadib. 2014-kii, Al-Shabaab waxay bartilmaameedsatay gaari iyadda oo dishay 28 qof.
Tan iyo markii ciidamada KDF usoo tallaabeen Soomaaliya 8 sano kahor, Kenya ayaa la kulantay weeraro xooggan, oo ay kamid ahaayeen kuwii lagu qaadey Westgate mall, Jaamacadda Gaarisa iyo DusitD2 hotel.
Amni darada ka jirta qeybo kamid ah Kenya ayaa keentay inuu xirmo suuqii dalxiis oo dalka kasoo gali jiray dhaqaalo aad u badan, iyadoo la xiray huteeladii iyo goobihii kale ee ganacsi ee ku yaalla degaanada xeebta, sida gobollak Lamu.
GAROWE ONLINE