Kenya oo dhaleeceysay magacaabidii Abiy Axmed ee xoghayaha IGAD

Image

NAIROBI, Kenya – Khilaafka dalalka xubnaha ka ah urur goboleedka IGAD ayaa wuxuu marayaa meeshii ugu adkaa xili dowlada Kenya ay qaadacday magacaabidii Abiy Axmed, ra'iisul wasaaraha Itoobiya, ee xoghayaha fulinta ururkan.

Abiy ayaa xushay Workneh Gebeyehu oo ahaa Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Itoobiya, haatana ah Agaasimaha xafiiska UN-ka ee Nairobi.

Sidda ku xusan warqadda oo nuqul kamida uu helay GO, magacaabida ayaa daba socota wadatashiyo ay hogaamiyeyaasha ku yeesheen Addis Ababa.

Hase ahaatee, qaar kamid ah mas'uuliyiinta dalalka ayuu wargeyska Daily Nation ku waramayaa in talaabadaas aysan qayb ka ahayn wada hadalada.

Diblumaasi sarre oo Kenya oo muujiyey in dowladiisu aysan ku qanacsaneyn sida wax u socdaan ayaa xusay in magacaabida lala soo deg-degay.

"Waxaan aaminsanahay in magacaabida xoghayaha fulinta ay ahayd in lala sugo shir kale," ayuu joornaalku kasoo xigtay diblumaasiga.

Sarkaalka oo magaciisa la qariyay ayaa "degdega Itoobiya" ku macneeyay in aysan dooneyn in xubnaha kale ay wax ka qabtaan hogaanka IGAD.

Dalalka xubnaha ka ah ururkan ayaa waxay kala yihiin; Kenya, Ethiopia, Uganda, Somalia, Djibouti, Eritrea, South Sudan iyo Sudan.

Soomaaliya, Jabuuti iyo Uganda ayaa murashax waxay u yihiin jagada xoghayaha, iyaga oo raba in ay markii ugu horeysay qabtaan muddo kadib.

Kenya ayaa loo arkaa murashaxa ugu wayn ee xilka gudoomiyaha oo haatan uu Itoobiya u hayo ra'iisul wasaare Abiy Axmed.

Xeel-dheereyaasha ayaa ka digaya in hadii is-qabqabsiga ku saabsan labada xil ee ugu muhiimsan ururkan aan sida ugu dhaqsiyaha badan lagu xalin ay carqalad ku noqoto howlaha baaxada lah ee ururka sida amniga iyo siyaasadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dibadbaxyo ka dhan ah ajaanibta oo ka billowday South Africa, kumannaan qofna cabsi u cararay

Madaxweyne Cyril Ramaphosa ayaa sheegay in dastuurku dammaanad qaadayo xorriyadda dibadbaxa.

  • Afrika

    30-06-2026

  • 01:37PM

Maxay Burkina Faso xiriirka ugu jartay dalkii hore u gumeysan jiray ee Faransiiska?

Xiriirka u dhexeeyay Burkina Faso iyo Faransiiska ayaa si weyn u xumaaday tan iyo afgambigii militari ee dhacay sanadkii 2022.

  • Afrika

    30-06-2026

  • 06:55AM