Kenya oo dhaleeceysay magacaabidii Abiy Axmed ee xoghayaha IGAD

Image

NAIROBI, Kenya – Khilaafka dalalka xubnaha ka ah urur goboleedka IGAD ayaa wuxuu marayaa meeshii ugu adkaa xili dowlada Kenya ay qaadacday magacaabidii Abiy Axmed, ra'iisul wasaaraha Itoobiya, ee xoghayaha fulinta ururkan.

Abiy ayaa xushay Workneh Gebeyehu oo ahaa Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Itoobiya, haatana ah Agaasimaha xafiiska UN-ka ee Nairobi.

Sidda ku xusan warqadda oo nuqul kamida uu helay GO, magacaabida ayaa daba socota wadatashiyo ay hogaamiyeyaasha ku yeesheen Addis Ababa.

Hase ahaatee, qaar kamid ah mas'uuliyiinta dalalka ayuu wargeyska Daily Nation ku waramayaa in talaabadaas aysan qayb ka ahayn wada hadalada.

Diblumaasi sarre oo Kenya oo muujiyey in dowladiisu aysan ku qanacsaneyn sida wax u socdaan ayaa xusay in magacaabida lala soo deg-degay.

"Waxaan aaminsanahay in magacaabida xoghayaha fulinta ay ahayd in lala sugo shir kale," ayuu joornaalku kasoo xigtay diblumaasiga.

Sarkaalka oo magaciisa la qariyay ayaa "degdega Itoobiya" ku macneeyay in aysan dooneyn in xubnaha kale ay wax ka qabtaan hogaanka IGAD.

Dalalka xubnaha ka ah ururkan ayaa waxay kala yihiin; Kenya, Ethiopia, Uganda, Somalia, Djibouti, Eritrea, South Sudan iyo Sudan.

Soomaaliya, Jabuuti iyo Uganda ayaa murashax waxay u yihiin jagada xoghayaha, iyaga oo raba in ay markii ugu horeysay qabtaan muddo kadib.

Kenya ayaa loo arkaa murashaxa ugu wayn ee xilka gudoomiyaha oo haatan uu Itoobiya u hayo ra'iisul wasaare Abiy Axmed.

Xeel-dheereyaasha ayaa ka digaya in hadii is-qabqabsiga ku saabsan labada xil ee ugu muhiimsan ururkan aan sida ugu dhaqsiyaha badan lagu xalin ay carqalad ku noqoto howlaha baaxada lah ee ururka sida amniga iyo siyaasadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM