Kenya oo ku hungowday lacag ay fileysay in ay ku hesho magaca AMISOM

Image

NAIROBI, Kenya – Kenya ayaa Midowga Yurub iyo daneeyeyaasha kale waxay ka heshay lacagta ay ku qaadato ciidamadeeda Soomaaliya kula dagaalamaya Al-Shabaab, sidda ay warsiday bogga afka dheer ee Business Daily.

Inkasta oo dib u dhac uu ku yimid, kharashkan waxay ahayd in la bixiyo June, 2020. Sidda ay muujineyso xogta, lacagtan dhan 4.64 bilyan oo lacagta Kenyaanka ah ayaa waxaa ku jirta sarre u kac todoba boqolkiiba ah.

Bixinta ayaa meesha ka saartey walaacii ahaa in dhaqaalaha loo yareyn doono sabab la xiriirta aafada ama safmarka dunida gilgilay ee Coronavirus. Sanadkii hore, Kenya waxay heshay 4.32 bilyan Kenyan Shilings.

Xukuumadda Nairobi ayaa rajeyneysay in ay heli doonto shan bilyan oo Doolar. Sidda ku cad warbixinta jaraa'idka, xagaaga soo aadan ee June, 2021, Kenya waxay quudareyneysaa in ay hesho aduun dhan 3.5 bilyan.

Sanadkii 2017-kii, Kenya ayaa magaca AMISOM ku qaadatay 7.44 oo lacagta waddankeeda ah, waana mid kamida sanadihii ugu badnaa.

Talaabadan ayaa kusoo hagaageysa xilii ciidamadda Kenya lagu waddo in Soomaaliya laga soo saaro 2021 iyaddoo la fulinayo qorshaha kala guurka ee amniga si mas'uuliyada amni ula wareegaan dhigooda Soomaaliya.

Tani ayaa sababeysa in dhaqaalaha xoogan ee haatan AMISOM lagu bixiyo loo weeciyo dhanka ciidamada Soomaaliya si dib loogu yagleelo.

Wasiirka Gaashaandhiga Kenya, Monica Juma oo u warantay Daily Nation ayaa xustay in ciidankooda la saarayo marka laga adkaado Al-Shabaab isla markaana ciidamadda Soomaaliya awood u yeeshaan sugida ammaanka.

Sanadkii 2011-kii ayay ahayd markii ciidamada Kenya soo galeen Soomaaliya iyagoo aan kamid ahayn AMISOM oo ay dib kaga biireen. Daabulitaanka wuxuu yimid markii ay ku kordheen weerarada xoogaga Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Turkiga oo ku biiraya dacwad ciqaabeed ka dhan ah Yahuuda

Koonfur Afrika ayaa kiiskan horey uga furtey Maxkamadda ugu sareysa Qaramada Midoobay.

  • Afrika

    02-05-2024

  • 05:39AM

Kenya: In ka badan 40 qof oo ku naf-waayay daad ka dhashay roob xooggan

Laanqeyrta cas ee Kenya ayaa sheegtay in 109 qof la jiifiyay isbitaalka halka 49 kalena la la’yahay.

  • Afrika

    30-04-2024

  • 04:45AM