Kenya oo laga soo saarey qaraar lagu jaangoynayo qiimaha guurka

Image

NAIROBI, Kenya – Culimada iyo odayaasha dhaqanka ayaa bilaabay olole ay hoos ugu dhigayaan qarashka ku baxa guurka bulshooyinka ku noola ismaamulka Garissa.

Tani ayaa waxay timid markii lamaaneyaasha guurkooda lacagta badan ku bixiya ay daryeeli waayeen qoyskooda qaar kalena uu burburay reerkooda.

Wadaadada iyo cuqaasha Masalani iyo Ifo ee xerada qaxootiga Dadaab ayaa waxay meelmariyeen qaraar ay ku yareeyeen qiimaha arooska ku baxda.

Kulamo ayey la yeesheen dadka degaanka si ay ugu qanciyaan in ay u ogolaan-samaan shuruucda cusub oo ay soo rogeen.

Halheyskooda ay ku wacyi gelinayeen bulshadda ayna ka shegeen isu soo baxyo badan ayaa wuxuu ahaa "ka dhiga aqal galka mid la awoodi karo".

"Qiimaha ugu yar"

Guurka Soomaalida oo lagu sheegay mid qaali ah ayaa la tilmaamayaa in uu ku kacayo ugu yaraan kun Doollar-ka Mareykanka ah.

Sababta qaali ka dhigeyso ayaa lagu macneeyay alaab jiifka, gawaari badan oo galbisa arooska iyo qabanqaabiyeyaasha maalinta aqal galka.

Guurka ugu "qiimaha yar" ee Soomaalida ayaa waxa uu u dhaxeeyaa afar kun oo Doollar illaa iyo ku dhowaad lix kun oo Doollar-ka Mareykanka ah.

"Furitaanka badan waxaa keena qiimaha guurka oo badan. Sababtoo ah, muran badan ayaa imaanaya," sidaas waxaa yiri Sheekh Salaad Cusmaan.

Wuxuu ku daray: "Waxaanu dooneynaa in aan ka dhigno guurka laba boqol oo Doollar. Gabaatigana afar lo' sida uu dhaqankeenu yahay".

"Gawaarida badan waxaan kusoo koobi doonaa afar xabo," ayuu hadalkiisa kusoo koobay wadaadkan oo ololaha safka hore uga jira.

Aadan Barre Ducaale, hogaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka Kenya, ayaa dhowaan Imaamada ku booriyey in ay xaqiijiyaan in guurka aan loogu darnaan danyarta.

Dalabyadda careysan

Mr Ducaale ayaa wuxuu walaac ka muujiyey dalabyadda carrada leh ee ka imaanaya dhalinta oo ku saabsan dahabka oo aad qaali u ah.

"Da’yarta waxay waydiisanayaan in aan taageerno sababtoo ah dhaqanka cusub ee guurka qaaliga ah," ayuu cod dheer ku yiri.

Sikastaba ha ahaatee, qaar kamid ah dadka degaanka ayaa ololaha cusub ku qeexay mid lagu qiimo beelinayo haweenka.

Cabdirashiid Maxamed, ku xigeenka xoghayaha Garissa, ayaa sheegay in wadaadada ay go’aanadooda ka talogeliyaan daneeyeyaasha iyo qoysaska.

"Qiimaha arooska waa mid horey loo jaangooyey, ma ahan qof walba. Sidoo kale, waa in aan eegno qiimaha alaab wareega," ayuu kusoo gabagabeeyay hadalkiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM