Kenya oo martigelineysa kulan u dhaxeeya ONLF iyo Jubbaland

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Kenya ayaa waxay martigelineysaa shir heer sarre ah oo u dhaxeeya mas'uuliyiin sarre oo ka kala socota ONLF iyo Jubbaland, sidda uu ku waramay joornaalka Addis Standard.

Xubnaha ONLF waxaa hogaaminaya gudoomiye Cabdiraxmaan Mahdi Maadey, halka dhanka Jubaland uu ka socdo madaxweyne Axmed Madoobe. Dhinacyadda ayaa kulan ku leh Nairobi, caasimadda Kenya.

Wargeyska oo xusay in kulankaan uu Itoobiya ka abuuray walaac ma uusan xusin qodobadda lagu lafagurayo is-aragga oo ku qeexay mid saxaafadda dibadjoog ay ka tahay.

Axmed Madoobe iyo Muudey oo dhowaan dib loogu doortay xilalka ay hayaan ayaa todobaadkan waxay tageen magaaladda Nairobi.

Illo wareedyo diblumaasiyadeed ayaa xaqiijiyey in kulanka ay soo qabanqaabisay Rift Valley Institute, oo ah xarun la shaqeysa hay'addaha iyo bulshooyinka ku dhaqan bariga qaaradda Afrika.

Shirkan ayaa wuxuu kusoo aadaya xili xiriirka u dhaxeeya Kismaayo iyo Addis Ababa uusan ahayn mid wanaagsan.

Ciidanka Itoobiya ayaa ku eedeysan in ay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ku garabsiinayaan farogelinta Jubaland gaar ahaan gobolka Gedo.

Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Jubaland, Maxamuud Sayid Aadan, ayay dhowaan u diideen in uu galo Beledxaawo si uu ula kulmo bulshadda. Mr Aadan wuxuu hadda ku sugan yahay Mandheera.

ONLF ayaa haatan wuxuu Guddiga Doorashooyinka Itoobiya uu u aqoonsan yahay xisbi, waxaana uu siiyey shahaadada rasmiga ah.

Warar laga helay illo diblumaasiyadeed ayaa xaqiijinaya in mas'uuliyiinta ONLF ay socdaalkooda Nairobi uga faa'ideysan doonan uruurinta dhaqaale ay ku galaan doorashadda Itoobiya ee sanadka 2020-ka.

Kulankaan ayaa kusoo aadaya xili xiriirka u dhaxeeya Axmed Madoobe iyo madaxweynaha Kalinka Shanaad, Mustafa Cumar Cagjar uusan hagaagsaneyn.

Mustafa Cagjar oo xiriir dhow la leh Dowladda Soomaaliya ayaa wuxuu taageersan yahay xadgudubyadda ay ciidamadda Itoobiya kawadaan gobolka Gedo ee hoostaga maamul goboleedka Jubaland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM