Kenya oo "qabatay lacag uu leeyahay sarkaal ku dhow qoyska Farmaajo"

Image

NAIROBI, Kenya – Joornaalka The Star ee Kenya ayaa daabacay in Laanta Socdaalka wadankaasi ay garoonka diyaaradaha Nairobi ku qabatay lacag gaareysa 1.7 milyan oo dollar-ka Mareykanka ah.

Sidda ku cad warbixinta uu qoray wargeyskaasi oo soo xigtay illo wareedyo, waxaa lacagtaasi leh sarkaal sarre oo ka tirsan sirdoonka Soomaaliya, wallow uusan magac dhabin ruuxa uu yahay iyo jagada uu hayo.

Qormada jaraa’idkaasi ayaa waxay intaasi raacisay in lacagtaan oo lasoo marsiiyey dhanka Itoobiya shaqsiga iska leh uu xiriir la leeyahay qoyska madaxweynaha dalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Warkan ayaa imaanaya iyadda oo shalay Kenya ay ku dhawaaqday in dalkeeda aanan lasoo gelin shixnado laga keenay Soomaaliya, taasi oo aaney cidna la socon, waxayna ku goodisay in ay la wareegeyso, hadey dhacdo.

Madaxtooyadda Soomaaliya illaa iyo haatan kama aysan fal-celin warkaan ay qoreyso qaar kamid ah warbaahinta wadanka Kenya, kaasi oo xiisad diblumaasiyadeed ay kala dhaxeyso Muqdisho.

Muranka labadda dal oo u muuqda mid waji cusub yeelanaya ayaa wuxuu daaran yahay dacwad hortaala maxkamada cadaaladda aduunka oo ku saabsan xuduud badeed ay Kenya ku eedeysan tahay in uu damac uga jiro.

Dowlada Soomaaliya oo ku gacan-seyrtay dalab ka yimid Kenya oo ku aadan in ay lasoo laabato dacwadda, si hoosena loo dhameeyo arrinta ayaa waxay sheegtay in ay ka dhowr-sugeyso go’aanka maxkamada.

Todobaadkii hore ayay ahayd markii Kenya ay garoonka Nairobi kasoo celisay mas'uuliyiin Soomaaliyeed, kuwaasi oo loo diiday dal ku galka, iyaga oo watay baasaboorka diblumaasiga, talaabadaasi oo ay cambaareysay Muqdisho.

Tan iyo xiligaasi, waxaa isa soo tarayey talaabooyinka Kenya, balse illaa iyo haatan go’aan adag oo ay Soomaaliya qaadatay ma jiro, marka laga reebo in ay saaxiibada caalamka ka codsatay in ay Muqdisho shirarka ku qabtaan.

Dalabkaasi oo dhicisoobay ayaa danjiraha Soomaaliya ee Kenya, Maxamed Axmednuur Tarsan wuxuu ku sababeeyay in wasaarada caafimaadka oo codsigaasi soo jeedisay "aysan metalin siyaasada arrimaha dibadda".

Sikastaba ha ahaatee, xeel-dheereyaasha arrimaha siyaasada ayaa uga digaya Soomaaliya talaabooyin kale oo ay Kenya qaado, waxayna ku tartarsiinayaa in ay ugu horeyn sameyso falal iska caabin ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Itoobiya oo shaacisay in cudur aan Africa loogu arag uu ka dilaacay dalkaas

Xaqiijinta WHO waxay timid maalin kaddib markii hay’addu sheegtay in maamulka caafimaadka Itoobiya ay baarayaan.

  • Afrika

    15-11-2025

  • 05:39AM

Madaxweyne Afwerki oo dhaliilay doorka Qaramada Midoobay ee gobolka Geeska Afrika

Wasiirka Warfaafinta Eritrea, Yemane Meskel, ayaa sheegay in kulanka lagu soo qaaday arrimo ku saabsan horumarinta gobolka.

  • Afrika

    14-11-2025

  • 07:54AM