Kenya oo saraakiil dibada ugu dirtay qorshe ka dhan ah Al-Shabaab

Image

NAIROBI, Kenya – Kenya ayaa waddanka Mareykanka u dirsatay 42 sarkaal sirdoon, sidda ay baahisay saxaafadda maxaliga ah.

Saraakiishaan ayaa tababar 12-asbuuc socon doona waxay kusoo qaadan doonan Akadeemiyadda Hay'adda Sirdoonka Gudaha ee FBI.

Tababarka ay soo qaadan doonan ayaa ku saabsan xeeladaha mukhaabaraad ee la dagaalanka argagixisadda, sidda lagu sheegay qoraal.

"Kadib marka ay soo dhameystaan tababarka waxay kusoo laaban doonan Kenya," ayaa lagu yiri bayaanka oo warbaahinta loo diray.

Tani ayaa kusoo aadeysa iyaddoo todobaadkii hore ay Aqalka Cad ku kulmeen madaxweyne Donald Trump iyo dhigiisa Uhuru Kenyatta.

Talaabada ay Kenya saraakiisha ugu dirty Mareykanka ayaa noqoneysa tii ugu horeysay oo nooceeda oo kale ah.

Khatarta ugu badan ee ammaanka qaranka Kenya waxaa ku haya maleeyshiyaadka gacansaarka la leh shabakadda Al-Qaacida.

Bishii hore, Al-Shabaab oo ku duushay xerada Mareykanku leeyahay ee Manda Bay, gobolka Lamu ee dalka Kenya ayaa dishay Ameerikaan.

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sidoo kale xaqiijiyey in lagu gubay laba diyaaradood, laba helicopter iyo gaadiid nooca dagaalka ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kenya oo Walaac ka Muujisay Shabakadaha Dhalinyarada u Diraya Dagaalka Ukraine

Dowladda Kenya ayaa hadda ballanqaadday in ay adkeyn doonto kormeerka hay’adaha shaqooyinka dibadda u dira dadka.

  • Afrika

    21-12-2025

  • 09:27AM

Hoggaamiyihii  Jabuuti oo geeriyooday, isagoo 91 jir ah

Wuxuu soo noqday guddoomiyaha Golaha Dhulka ee Dhulka Faransiiska ee Cafarta iyo Ciise laga soo bilaabo 1967 illaa 1976.

  • Afrika

    17-12-2025

  • 07:13AM