Kenya oo u baroor-diiqeysa saraakiil ay Al-Shabaab ku dishay qarax

Image

NAIROBI, Kenya – Madaxweyne Uhuru Kenyatta, ayaa Axada maanta ah ku dhawaaqay in dalkiisa uu u baroor-diiqayo 11 sarkaal oo ku dhintay qarax ay Al-Shabaab u dhigtay Daadab oo ku dhow sohdinta Soomaaliya.

Ciidamada oo kamid ahaa bileyska sida gaarka ah u tababaran oo miinada lagula eegtay inta u dhaxeysa tuulooyinka Liboi iyo Damajale ayaa waday howlgal roondo ah kaasoo ka dhan ah xoogaga gacansaarka la leh ururka Al-Qaacida.

Kenyatta ayaa wuxuu wacad ku maray in lasoo qaban doono "gacan ku dhiigleyaasha" kuwaasi oo uu xusay in la marsiin doono sharciga lagana qaadi doono talaabadda midda ugu adag, sidda uu hadalka u dhigay.

"Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhamaan ehelada ay ka baxeen geesiyeyaasheena, waxaana u sheegayaa in dowladdu taageeri doonto in lagu guda jiro baroor-diiqda," ayuu hadalkiisu ku daray.

Al-Shabaab ayaa sanadihii u dambeeyay weeraro dhimasho dhaliya ka fulineysay gobolka hodanka ku ah Saliida ee Kenya, halkaas oo ay ku beegsaneyso ciidamadda amniga iyo shaqaalaha dowladda ee aan hubeysneyd.

"Shacabka iyo dowladda Kenya marnaba kama waaban doonan in ay iska dhiciyaan ficilada guracan ee argagixisadda," ayuu hadalkiisu ku daray, sidda laga soo xigtay war-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Madaxtooyadda.

Bishii June ee sanadkan 2019 ayay ahayd markii ugu yaraan afar askari ayaa ku dhimatay markii gaari ay la socdeen ay la kacday Miino iyagga oo maraya tuuladda Kulan oo ku dhow sohdinta Soomaaliya iyo Kenya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ismaaciil Cumar Geelle oo shaaciyay inuu markii 6aad u tartamayo Xilka Madaxweynaha Jabuuti

Ismaaciil Cumar Geelle ayaa isagaa da' ah shaaciyay inuu markii 6aad u tartamayo Xilka Madaxweynaha wadanka Jabuuti.

  • Afrika

    10-11-2025

  • 06:17AM

Eritrea oo ka cabsi qabto in Itoobiya xoog ku qabsato dekedda Assab [Casab]

Abiy Axmed ayaa yiri bishii hore: “Waxaan boqol jeer hubaa in Itoobiya aysan sii ahaan doonin dal bad la'aan ah.”

  • Afrika

    08-11-2025

  • 05:35AM