Kenya oo war cusub kasoo saarey weerarkii Al-Shabaab ee Sareedo

Image

NAIROBI, Kenya – Taliska Booliska Kenya ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay khasaaraha guud ee ka dhashay weerarkii saaka Al-Shabaab ka fulisay degaanka Sareedo ee gobolka waqooyi Bari.

Sareedo waa degaan qiyaastii 25 KM u jira degmada Dhadhaab ee hoostaga ismaamul goboleedka Gaarisa.

Sidda ay sheegeen dadka degaanka, dableyda Al-Shabaab ayaa weerarka kula jarmaaday tuulada abaare 5-tii aroornimo.

Bileyska ayaa tilmaamay in afar qof oo shacab ah lagu dilay falkaas. Dadka geeriyooday laba kamid ah waa cunug yar iyo macalin.

Laamaha ammaanka oo iska hor-imaad la galay kooxaha hubeysan ayaa toogtay laba kamida dableyda, sidda lagu xusan warbixinta, oo tirada dagaalameyaasha ku qeexday tobban.

"Hay'addaha amniga ayaa meesha ay wax ka dhaceen tagay, iyagoo baadigoobaya haraadiga dableyda," ayaa lagu soo gabagabeeyay bayaanka oo uu soo saarey afhayeenka booliska.

Weerarkan ayaa noqonaya midkii labaad oo todobaad gudahiisa ay kooxda gacansaarka la leh Al-Qaacida ka geysato Kenya.

Axadii, 5-ta Janaayo, 2020, maleeyshiyaadka ayaa beegsaday xerada Manda Bay, halkaasoo ay ku gubeen diyaarado iyo gaadiid dagaal kuna dileen saddex Ameerikaan oo midkood uu askari yahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM