Kenya oo war kasoo saarey dagaalkii ciidanka DF iyo Jubaland

Image

NAIROBI, Kenya – Taliska Booliska Kenya oo war kasoo saarey dagaalkii maanta ka dhacay magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo ayaa beeniyey in iska hor-imaadka uu ka dhacay gudaha degmada Mandera.

War-saxaafadeedka oo koobnaa ayaa intaas ku daray in dhinacyadda ay ku dhex-dagaalameen Buula Xaawo oo hoostagta Soomaaliya.

Buula Xaawo, oo xaafado ka tirsan laga dareemayo barakac baahsan, ayaa xuduud dhuleed balaaran waxay la leedahay Mandera.

Bayaanka ayaa intaas ku daray in laamaha ammaanka oo roondo kawaday xuduudka ay iska caabiyeen "dagaalameyaal dhowr jeer isku dayey in ay kasoo talaabaan sohdinta".

Sidda ku cad qoraalka oo nuqul kamid ah uu arkay warsidaha Garowe Online, shacabka ayaa looga digay in ay faafiyaan "wararka been abuurka ah".

Dagaalkii Beled-xaawo oo u dhaxeeyay ciidamada Jubaland iyo kuwa dowladda Soomaaliya ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac. Warbaahinta waxay xaqiijisay geerida illaa iyo saddex qof.

Isku dhaca ayaa yimid iyadoo askarta ay bilooyinkii u dambeeyay isku hor-fadhiyeen goobtaas kadib markii ay Dowladda federaalka Soomaaliya halkaas u daabushay ciidamo laga kaxeeyay magaaladda Muqdisho.

WAR-SAXAAFADEEDKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Elon Musk oo Internet-ka ka jaray Uganda kahor doorashadda

Tallaabadan ayaa dhalisay dood xooggan iyo cadho ka timid dhanka xisbiyada mucaaradka iyo dadka u dooda xuquuqda aadanaha.

  • Afrika

    07-01-2026

  • 09:46AM

Shiinaha oo xoojinaya saameynta Geeska Afrika xili Israel kusoo biirtay tartanka Gobolka

Tareenka ayaa si weyn loo arkaa inuu yahay iska-celin u ah Waddada Lobito ee ay taageeraan Maraykanka iyo Midowga Yurub.

  • Afrika

    07-01-2026

  • 08:50AM