Kenya: Jabuuti heshiiskan aan kala galnay kursiga QM ayey nooga baxday
NAIROBI, Kenya – Jabuuti ayaa ka baxday heshiis ay la gashay Kenya oo ku aadan murashaxnimada kursiga aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka Qaramadda, sidda ay shaacisay xukuumadda Nairobi.
Labada dal ayaa waxay ku dagaalamayaan xubnimada Afrika oo bisha June ay u coddeyn doonan Golaha Guud ee UN-ka, taas oo wadankii hela uu metelaad haysan doono 2021-22.
Wadamada ayaa xoojiyey ololahooda kaasoo maalin walba xamaasadiisu sii kordheyso. Istaraatiijiyadda ugu muhiimsan ee dalalka u marayaan waxay tahay iyaga oo kireysanaya ururo dhaqaale oo caalami ah.
Xili ay Arbacadii wareysi gaar ah siineysay Citizen TV, wasiirka arrimaha dibadda Kenya, Monica Juma ayaa ku eedeysay Jabuuti in ay abuurtay xiisadda xubinimadda qaaradda hodanka ah.
Jabuuti, sidda ay xustay Monica, waxay balanqaadey in ay xormeyn doonto coddeynta Midowga Afrika taasoo qabsoontay bishii August kadib wada hadalo fashilmay oo 19-bilood u socday labada dal.
"Aad ayaan u yaabay. Sababta aan u aadney coddeynta waxay ahayd in aan helno cidda Afrika murashaxa u noqoneyso taasoo raacsan shuruucda iyo nidaamka," ayay Ms Juma ku bilowday hadalkeeda.
Diblumaasiga sarre ayaa ku dartay: "Jabuuti iyo annaga waxaan isku raacnay in markii aan gaari waynay is-faham, in Midowga Afrika uu go’aan gaarayo. Waan yaabnay, maxaa yeelay, heshiis buu ahaa".
Hadda waxay u muuqaneysaa in Jabuuti xormeyso coddeynta Midowga Afrika, balse ma cadda sababta. Kenya ayaa, sikastaba, wacad ku martay in ay la baratami doonto dalka dhaca Geeska Afrika.
Cod-bixinta bishii August, Kenya ayaa heshay taageerada 37 dal, halka Jabuuti ay kaliya u coddeeyeen 13 waddan. Xukuumadda Nairobi waxay haatan tahay wakiilka rasmiga ah ee qaaradda Afrika.
Dedaalo la doonayey in lagu qanciyo Jabuuti kadib farogelin ka timid hogaamiyaha Masar, Cabdel Fataax Al-Siisi ayaa noqday hal-bacaad lagu lisay.
Jabuuti ayaa ku doodeysa in Kenya ay dooneyso in kursiga Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa dooneyso in ay ku adeegsato dacwadda badda ee kala dhaxeysa Soomaaliya oo taageertay Jabuuti.
Ms Juma ayaa haatan ku sugan New York, halkaas oo ay ku karaar-siineyso rabitaanka waddanka Kenya. Xukuumadda Nairobi waxay damacsan tahay in ay kursiga ku fuliso danaheeda sida baacsiga Al-Shabaab.
GAROWE ONLINE