Kenya oo xayiraad kusoo rogtay duulimaadyadda tooska ee Kismaayo
NAIROBI, Kenya – Hay'adda Duulimaadka Rayidka ee Kenya ayaa ku wargelisay diyaaradaha ka duula Kismaayo ee tegaya Nairobi in ay soo maraan garoonka Wajeer si hubin amni loogu sameeyo, sidda uu baahiyey Business Daily.
Talaabadan lagu joojiyey duulimaadka tooska ah ee labadda magaalo ayaa imaaneysa xili dhowaan dib loo bilaabay duulimaadyadda tooska ah ee magaalooyinka Nairobi iyo Muqdisho oo hakad ku jiray.
Go’aanka ayaa yimid kadib kulan Nairobi ku dhexmaray madaxweyne Farmaajo iyo dhigiisa Uhuru Kenyatta oo isla meeldhigay in dib loosoo celiyo cilaaqaadka labada dal oo madmadow uu geliyey kiiska badda ee horyaala ICJ.
Maxkamadda Cadaaladda Aduunka ayaa dhageysiga dacwadda dib u bilaabeysa bisha June ee 2020-ka, iyadda oo kadib la filayo in la xukmiyo.
Kenya ayaa horey ugu joojisay duulimaadka tooska ee Muqdisho iyo Nairobi sababo la xiriira amniga, go'aankaas oo dowladda federaalka Soomaaliya ay ku qeexday mid "siyaasadeysan".
Gilbert Kibe, agaasimaha hay'adda duulimaadka rayidka Kenya, oo ku dhawaaqay go'aanka cusub ee ka dhanka ah diyaaradaha ka duula Kismaayo, ayaanan carabaabin sababta dhabta ah ee ka dambeysa xayiraada.
"Go'aanka dib loogu bilaabay duulimaadka tooska ah ee Muqdisho iyo Nairobi, wuxuu yimid markii aan amar ka helnay Madaxtooyadda," ayuu yiri, isaga oo aan xusin in go’aanka liddiga ku ah Kismaayo uu la socday amarkaas.
Kismaayo, oo ah caasimadda ku meel gaarka Jubaland, waxaa haatan saaran xayiraad dhanka duulimaadka ah oo ay kusoo rogtay dowladda federaalka Soomaaliya, oo xiriir fiican uusan kala dhaxeyn maamulkaas.
Go'doominta oo ah in diyaaradaha tegaya ama kasoo baxaya Kismaayo ay soo maraan Muqdisho ayaa waxaa shaqooyinkooda ku waayey boqolaal, halka ay sarre u qaadey qarashka duulimaadyadda.
Madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam, ayaa Axadii lasoo dhaafay tegay Nairobi, isaga oo la kulmay siyaasiyiin iyo madax.
Kenya oo ciidamo ka tirsan AMISOM ay ka joogaan Jubaland ayaa xiriir dhow la leh Axmed Madoobe, waxayna ka taageertay in Al-Shabaab laha saarey Kismaayo sanadka markii uu ahaa 2012-kii.
Iyaddoo adeegsaneysa ciidamo Itoobiyaan ah, dowladda Soomaaliya ayaa haatan ku eedeysan in ay gobolka Gedo ka wado faragelin ay ujeedadeedu tahay in ay ka hirgeliso maamul ay mas'uuliyiinta ku sifeeyeen "sharci darro".
Maamulka Jubaland oo ka banaanbaxay arrintaas ayaa waydiistay Beesha Caalamka in ciidamadaas laga saaro gobolka maadaama ay wadaan xadgudub, afduub iyo juujuub ay ku hayaan qaybaha kala duwan ee bulshada.
GAROWE ONLINE