Kenya oo xeelad cusub uga hirgelisay Soomaaliya la dirirka Al-Shabaab

Image

NAIROBI, Kenya – Taliyaha guud ee ciidamadda difaaca Kenya, Robert Kibochi, ayaa ka dhawaajiyey in ay Soomaaliya ka hirgeliyeen xeelad cusub oo ah adeegsiga Tiknoolajiyada si ay ula diriraan xoogaga Al-Shabaab.

Inkasta oo uusan si gaar ah carabka ugu dhufan fahfaahinka nooca Tiknoolajiyada, haddana Kibochi ayaa xusay in uu yahay mid ay taageero kaga helayaan dadweynaha si ay u ciribtiraan ururka argagixisada ah.

Kibochi ayaa sidoo kale wuxuu daaha ka rogay in hindisahaan cusub uu salka ku hayo mid lagu horumarinayo qalabka ciidamada KDF-ta.

Machadka Tababarka Farsamada Tiknoolajiyada ciidamada Kenya oo la aas-aasay 1964 ayuu hoosta ka xariiqay in uu qaabilsan yahay dhaqan-gelinta mashruucaan cusub oo ay ugu dhowaanayaan degaanada miyiga ah.

Sarkaalka oo hadalkiisa sii wata ayaa carabka ku dhuftay in qalabkaan ay sidoo kale u adeegsanayaan in ay ku caawiyaan dadweynaha.

Illaa haatan, wuxuu shaaciyey in ay dhiseen iskuulo una qodeen ceel-biyoodyo. Intaas waxaa wehlisa in qalabkaan uu ka saaciidayo ciidanka in ay aqoonsadaan goobaha juquraafi ahaan ay rabaan in ay ku duulaan.

"Tani waxay qayb ka tahay horumarinta ciidamadeena, waxaana diyaar u nahay in aan ku guuleysano quluubta shacabka kuna beerno wadaniyad si aan uga adkaano argagixisada una sugno amnigeena," ayuu ku yiri wareysi.

Ciidamadda Kenya ee jooga Soomaaliya ayaa qayb ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM kaasoo ay ku biireen 2011 kahor inta aysan qaab ogolaanshiyo la'aan ah uga soo gudbeen sohdinta ay wadaagaan dalalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Imaaraadka Carabta oo ku baaqay xabbad-joojin degdeg ah oo laga sameeyo Itoobiya

Imaaraadka ayaa sheegay in xaaladda cusub ay khatar ku tahay midnimada, madaxbannaanida iyo xasilloonida Itoobiya.

  • Afrika

    26-09-2026

  • 12:34PM

Aliko Dangote oo dhisaya dhuun shidaal oo Itoobiya iyo Jabuuti isku xiri doonta

Jabuuti ayaa iyaduna ka faa’iidi doonta mashruuca, iyadoo la filayo inay kordhaan shaqooyinka, dhaqdhaqaaqa dekedda iyo dakhliga dowladda.

  • Afrika

    26-09-2026

  • 05:29AM