Kenya oo xirtay askari dusiyey sawirada ciidamo qarax lagu dilay

Image

NAIROBI, Kenya – Booliska Kenya ayaa xabsi dhigay, isla markaana su'aallo waydiinaya Patrick Safari oo ah askari ilaaliue ka ah xabsi ku yaala magaaladda Nairobi.

Mr Safari ayaa loo haystaa in wariye Robert Alai uu u diray sawirada ciidamo ay qarax ku dishay kooxda fadhigeedu yahay Soomaaliya ee Al-Shabaab.

Saxafiga oo qudhiisa la xiray Talaadadii ayaa waxa uu masaxay sawirada uu bartiisa ku baahiyey kadib markii hay’addaha amniga ay siiyeen amarkaasi.

Qaraxaasi ay askarta ku la'deen ay gaarayaan 12 ayaa ka dhacay gobolka Wajeer ee Waqooyi Barri Kenya.

Dagaalameyaasha hubeysan ee Al-Shabaab ayaa dusha saartay mas'uuliyadda dhacdadaasi, iyaga oo ku goodiyey in ay sii wadayaan.

Wariyaha ayaa warbixintiisa ku dhaliilay qaabka ay ciidamadda ula tacaamuleen meydadka askarka la dilay oo uu xusay in ay xushmad daro u muujiyeen.

Taliska Bileyska iyo Waaxda Dambi Baarista oo warbixin soo saarey isla markaana cambaareeyay ayaa ku sifeeyay hadaladaasi "kuwa dhiirogelinaya argagixisada".

Saraakiisha ciidamada la dagaalanka argagixisada ayaa saxaafadda kasoo xigatay in war-tabiyaha lagu soo oogi dacwad ku saabsan in uu warbixin siiyey "argagixisada".

Dad reer Kenya si gaar ah wariyeyaasha oo dhacdadaan si weyn uga fal-celiyey baraha bulshadda ayaa cambaareeyay waxayna codsadeen sii deynta Alai, iyaga oo adeegsanaya #FreeAlai.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Itoobiya oo shaacisay in cudur aan Africa loogu arag uu ka dilaacay dalkaas

Xaqiijinta WHO waxay timid maalin kaddib markii hay’addu sheegtay in maamulka caafimaadka Itoobiya ay baarayaan.

  • Afrika

    15-11-2025

  • 05:39AM

Madaxweyne Afwerki oo dhaliilay doorka Qaramada Midoobay ee gobolka Geeska Afrika

Wasiirka Warfaafinta Eritrea, Yemane Meskel, ayaa sheegay in kulanka lagu soo qaaday arrimo ku saabsan horumarinta gobolka.

  • Afrika

    14-11-2025

  • 07:54AM