Kenya: Soomaaliya waxay wadaa ajande dhul-balaarsi ah

Image

NAIROBI, Kenya - Dowladda Kenya ayaa kow iyo tobban qodob oo ay kasoo saartey dacwadda badda Soomaaliya iyo Kenya waxay ku fahfaahisay mowqifkeeda kiiskan ay dhageysigiisa soo afjartay Maxkamada Cadaalada Aduunka ee ICJ.

Ugu horeyn, xukuumadda Nairobi ayaa "cadaallo darro" waxay ku tilmaamtay in ICJ ay bilowday dhageysiga gal-dacwadeedka iyadda oo kaliya Soomaaliya ay ka qeybgashay wallow Kenya iskeed u maqneyd.

Sidda ku xusan qoraalkan ku taariikheysan 19-ka Maarso, Kenya ayaa garsoore Cabdiqawi Yuusuf, madaxweynihii hore ee ICJ ahna Soomaaliya waxay ku eedeysay in uu yahay mid dhinac gaar ah u jaranjeera.

Cabdiqawi ayay xustey in shir uu qaranka Soomaaliya ku metelay uu dalkiisa garab istaag ugu muujiyey. Balse, xukuumadda Nairobi ma aysan soo bandhigin caddeymo xoojinaya sheegashooyinkeeda.

Daraf sadexaad oo aysan magacaabin balse ay ku qeexday "dano ganacsi" ayay intaas ku dartay in ay hurinayaan kiiska "arrintaas oo walaaceeda leh khatarna ku ah xasiloonida, nabadda iyo amniga Geeska Afrika".

Qoraal ay u dirtey ICJ ayay tibaaxdey in ay ku caddeysay in Kenya ay dedaal badan gelisay nabada Soomaaliya, la dagaalanka Al-Shabaab iyo magangalyo siinta Soomaalida colaadda uga soo cararay waddankooda.

Ugu dambeyntii, Kenya oo Soomaaliya ku eedeysay in ay riixeyso "ajande is-balaarin" ayaa ku nuux-nuux-satay in ay dooneyso in qaab diblumaasiyadeed lagu xaliyo kiiska badda lana tixraaco xuduudihii dib loo asteeyay sanadkii 2014-kii.

Hoos ka akhriso qoraalka Kenya

May be an image of text

May be an image of text

May be an image of text

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Tanzania oo Gabadheeda iyo Ninkeeda kusoo dartay Gollaha Wasiiradda

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa magacaawday ninka Wanu Hafidh Ameir, Mohamed Mchengerwa, inuu noqdo Wasiirka Caafimaadka.

  • Afrika

    18-11-2025

  • 05:13PM

Gabdho laga afduubey Iskuul ku yaalla dalka Nigeria 

Dadka deegaanka ayaa aad uga walaacsan amniga carruurta waxbarata iyo in weerarradan oo kale ay sii badanayaan.

  • Afrika

    18-11-2025

  • 08:16AM