Kenya: TikTokers loo xiray prank ay ku hor-sameeyeen saldhig boolis

Image
Muuqaalka ay jileen ayaa ku saabsanaa fal dhac ah kaas oo si weyn loogu faafiyay internet-ka.

NAIROBI, Kenya - Afar qof oo TikTokers ah ayaa xabsi loo dhigay xiray muuqaal ay ka duubeen fal dhac ah oo ka dhacay afaafka hore ee saldhig boolis oo ku yaalla dhulka xeebta ee Kenya.

Shaqsiyaadkan ayaa lagu eedeeyay inay faafiyeen macluumaad been abuur ah, sida ay ku warrantay warbaahinta gudaha oo soo xigatay dukumiintiyo kasoo baxay Maxkamadda.

Eedeysaneyaashan oo uu ku jiro wiil 17 jir ah ayaa Arbacadii lagu xiray ismaamulka Kilifi ka dib markii muuqaalku uu ku faafay baraha bulshada isla markaana aad looga falceliyay.

Muuqaalka lasoo bandhigay ayaa muujinaya nin ka soo baxay Saldhiga Booliska ee Kilifi, waxaana boorsadiisa ka dhacay laba qof oo kale oo watay Mooto ay ku sugayeen, taasi oo loo yaqaano boda boda.

Booliisku waxay sheegeen in markii dambe TikTokers la xiray ka dib markii lagu aqoonsaday kamarada CCTV ee saldhigga. War qoraal ah ayay ku caddeeyeen in sharciga la marsiin doono eedeysanayaasha.

Tuhmanayaasha ayaa soo galiyay muuqaalka TikTok iyaga oo wata ciwaan ay ku qoran yihiin “tuugada bannaanka saldhiga booliska ee Kilifi”, taasoo ay ogaayeen in ay been abuur tahay.

Afarta qof ayaa qirtay in aysan wax dambi ah gelin waxaana la siiyay dammaanad dhan $1,500 (£1,200), shabakadda wararka ee Nation ayaa sheegtay. Kiiska ayaa la dhageysan doonaa 30ka Luulyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lix Muwaadin oo u dhashay Morocco oo Puntland sii daysay oo dalkooda dib ugu laabtay

Raggan ayaa markii hore lagu qabtay buuraleyda Cal-miskaat ee gobolka Bari ee Puntland bilowgii sannadkii 2024.

  • Afrika

    12-05-2026

  • 12:19PM

Iskaashi Siman: Faransiiska oo Afrika ugu Deeqay $27 Bilyan oo Maalgashi ah

Waa shirkii ugu horeeyay oo Faransiiska ku qabto dal aan Luuqadda Faransiiska looga hadlin, oo kamid ahayn kuwa uu soo gumeystay.

  • Afrika

    12-05-2026

  • 11:23AM