Kenyatta oo digniin soo saarey kadib weerarkii baska ee Al-Shabaab

Image

NAIROBI, Kenya – Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, ayaa ka hadlay weerarkii ay Al-Shabaab ku qaadey bas ku socdaalayey gobolka Waqooyi Barri, kaas oo lagu dilay sideed sarkaal iyo hal macalin.

Falkaan oo dhacay galabnimadii Jimcaha, ayaa dadka lagu khaarijiyey waxaa lagala degay gaari ay ku saf-rayeen. Baabuurka oo kasoo baxay Nairobi wuxuu kusii jeeday magaaladda Mandheera.

War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Kenyatta oo lagu xaqiijiyey tiradda dhimashadda ayaa waxaa lagu shaaciyey in uu tacsi u dirayo guud ahaan eheladda dadka ku naf-waayey dhacdadaas.

Kenyatta ayaa qaabka loo toogtay askarta iyo dadka kale wuxuu ku sifeeyay "mid fool xun," sidda ku xusan warka qoraalka ah.

Hogaamiyaha Kenya oo ku adkeystay in dowladiisa aysan "u dhutin doonin" howlgaladda Al-Shabaab ayaa shaaca ka qaadey in ciidamadda dalkiisa ay ku raadjoogaan "dilaayasha".

Madaxweynaha oo digniin xoogan diray ayaa si cad wuxuu u qiray in ay jiraan xubno Al-Shabaab ah oo baaqi ku ah degaanada ku teedsan sohdinta.

Sidda laga soo xigtay booliska, dagaalameyaasha ayaa dadka ku kala saarey diintooda, iyagoo toogaasho ku dilay kuwa misiixiyiinta ah, Muslimiintana fasaxay.

Al-Shabaab oo dusha saartay mas'uuliyadda falkaas ayaa tilmaamtay in uu aargoosi u yahay kamid-ahaanshiyaha Kenya ee howlgalka AMISOM.

Baska lagu weeraray meel aan ka fogeyn xadka Soomaaliya waxaa iska leh shirkadda Medina oo ka shaqeysa inta u dhaxeysa magaalooyinka Wajeer iyo Mandheera oo Soomaalidu ku badan tahay.

Sidda xusay war-saxaafadeedka Al-Shabaab, xubnaha la khaarijiyey oo gaaraya tobban ayaa ahaa "saraakiil sirdoon iyo shaqaale dowladeed".

Sarkaal u hadlay ururkan gacansaarka la leh shabakadda Al-Qaacida ayaa u sheegay warbaahinta afkooda ku hadasha "in ay qaadi doonaan duulaano kale".

Sanadkii 2014-kii, Al-Shabaab ayaa Mandheera ka fulisay mid kamid ah weeraradii dhabagal kuwooda ugu khasaaraha badnaa. Gaari bas ah oo ay afduubatay waxay ka toogatay ku dhowaad 28 ruux oo Masiixiyiin ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Eritrea oo ka cabsi qabto in Itoobiya xoog ku qabsato dekedda Assab [Casab]

Abiy Axmed ayaa yiri bishii hore: “Waxaan boqol jeer hubaa in Itoobiya aysan sii ahaan doonin dal bad la'aan ah.”

  • Afrika

    08-11-2025

  • 05:35AM

Midowga Afrika: Doorashadii Tanzania ma waafaqsana heerarka dimoqraadiyadda

Warbixintu waxay ku tilmaantay in doorashadu “aysan u hoggaansamin mabda’a AU, qaab-dhismeedyada caadiga ah.

  • Afrika

    06-11-2025

  • 06:38AM