Kenyatta oo shaaciyey sababta uu u joojiyey adeegsiga baraha bulshada

Image

NAIROBI, Kenya – Madaxweynaha dalka Kenya ayaa markii ugu horeysay waxa uu daboolka ka qaaday sababta uu hawada uga saarey qaar kamid ah akoonada uu ku leeyahay baraha ay bulshadu kulanto.

Uhuru Kenyatta, oo ka hadlay munaasabad ka dhacday Nairobi, ayaa waxa uu ku eedeeyay talaabadaasi in ay ku kalifeen siyaasiyiin uu sheegay in ay diirada saarayeen olalaha doorashada 2020-ka.

Siyaasiyiinta ayuu ku booriyey in ay xooga saaraan sidii ay u bixin lahaayeen adeegyada ay bulshadda u baahan tahay.

"Markii ay arkaan aniga oo aamusan, waxay ii arkayaan in aanan ahayn qof halis ku ah iyaga. Waan ka saari doonaa meel walba oo ay joogan," ayuu yiri.

Mr Kenyatta oo sii hadlaya ayaa waxa uu intaasi raaciyey uu joojiyey in uu dareen gaar ah siiyo wargeysyadda.

"Hadda idinka ayaa ciwaabada jaraa'idka iga dhigaya, aniga waxba ilama ahan. Waan joojiyey in aan xooga saaro joornaalada iyo kuwa uu Facebook-ga u yahay kuwooda," ayuu hadalkiisa daba dhigay.

Horaantii, sanadkan bey ahayd markii ciwaanada baraha bulshadda ee Uhuru, sida Twitter iyo Facebook, hawada laga saarey xili ay wali sidii uga maqan yihiin, waxaana dadka ay dhowrayaan waxa dhaliyey oo ay haatan ogaadeen.

Sharaxaad Uhuru Kenyatta ayaa ka duwan fahfaahin horey uga soo baxay sarkaal ka tirsan Madaxtooyadda oo ku saabsan loo xiray ciwaanada madaxweynaha markii la isku dayey in la jebsado.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jabuuti oo u diyaar garowday doorashada madaxtooyada, Geelle oo la filayo inuu guuleysto

Doorashadii ugu dambeysay ee 2021 ayuu ku guuleystay Geelle qiyaastii 98 boqolkiiba codadkii la dhiibtay.

  • Afrika

    09-04-2026

  • 12:03PM

Ciidanka Kenya oo Islii ku Qabtay Dharka Tuutaha oo loo waday Al-Shabaab

Saraakiisha amniga Kenya ayaa sheegay in hawlgalkan uu dhabar-jab weyn ku yahay saadka iyo qorshayaasha kooxda Al-Shabaab.

  • Afrika

    09-04-2026

  • 06:19AM