Khaadleyda u barooraneysa suuqa Soomaaliya oo cadaadinaya Uhuru

Image

NAIROBI, Kenya – Wasiirka Beeraha Kenya, Peter Punyo, ayaa waydiisatay khaadleyda dalkaas in aysan dhageysan hadalada siyaasiyiinta ayna fursad u siiyaan labada dowladood xal wada ogol kuna wajahan is-mari-waaga.

Munya ayaa wariyey in ay jiraan shaqsiyaad u sheegay khaadleyda in dowlada Uhuru Kenyatta ku fashilantay latacaalida qadiyadan isla markaana xalkooda uu ku jiro in ay isu soo bax sameeyaan todobadka soo aadan.

Beeraleyda ayuu u xaqiijiyey in Uhuru uu sameynayo wax kasta oo karaankiisa si uu dib ugu furo suuqa ay ku tiisnaayeen ee Soomaaliya.

"Hadii isaga [Uhuru] uu dhageystay oohintiina markii gobolada ay mamnuuceen [maandooriyaha] ayna joojiyeen, isaga waxaa ku waajib ah in uu sida ugu dhaqsiyaha badan idin kugu furo suuqyada. Madaxweynaha wuu og-yahay dhibaatada beeraleyda miiraha. Miiraha wuxuu leeyahay cadow badan, waa in aan ka taxadarnaa," ayuu u sheegay warbaahinta gudaha.

Kimathi Munjuri, gudoomiyaha iskaashada khaadka Kenya, ayaa u sheegay The Star in ay ka shirayaan talaabada xigta oo ay ku doonayaan in ay ku cadaadiyaan dowladda si ay u dedejiso qorsheyaasha furida suuqyadda.

Xildhibaanka bartamaha Igembe ee Kubai Kiringo ayuu xusay in uu baarlamaanka u gudbinayo mooshin ay ku doonayaan in ay jawaabo kaga helaan Wasaarada Ganacsiga gaar ahaan qorsheyaasha uga degay mar-xaladan.

Khaadka Miiraha oo horey looga mamnuucay Britain iyo Holland ayaa suuqa kaliya ee u haray waa Soomaaliya kaasoo safmareenka Covid-19 awadiis ay mamnuucay xukuumada Muqdisho, wallow tuhun uu jiro.

Gudoomiyaha ayaa tibaaxay in mudanaha koonfurta Igembe ee John Paul Mwirigi uu dhankiisa u gudbin doono baarlamaanka dalab ku saabsan in Wasaaradaha Beeraha, Ganacsig, Gaadiidka iyo Arrimaha Gudaha iyo Dibada ay sharaxaan talaabooyinka uga qorsheysan in khaadka uusan wasaqoobin.

Victor Karithi, hogaamiyaha aqlabiyada baarlamaanka Kenya, ayaa ku dhawaaqay isu soo bax dadweyne si dowlada ugu qasbaan in ay talaabo qaado, isagoo ku dhaliilay dowladda Uhuru Kenyatta in ay ka gaabineyso xalka.

Sikastaba ha ahaatee, waxaa muuqaneysa in Uhuru uu kusii kordhayo cadaadiska ka dhashay go'aanka xayiraada Soomaaliya ee khaadka waddankaa, talaabadaas oo madaxweyne Farmaajo ku goobayo dano siyaasadeed u gooniya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dibadbaxyo ka dhan ah ajaanibta oo ka billowday South Africa, kumannaan qofna cabsi u cararay

Madaxweyne Cyril Ramaphosa ayaa sheegay in dastuurku dammaanad qaadayo xorriyadda dibadbaxa.

  • Afrika

    30-06-2026

  • 01:37PM

Maxay Burkina Faso xiriirka ugu jartay dalkii hore u gumeysan jiray ee Faransiiska?

Xiriirka u dhexeeyay Burkina Faso iyo Faransiiska ayaa si weyn u xumaaday tan iyo afgambigii militari ee dhacay sanadkii 2022.

  • Afrika

    30-06-2026

  • 06:55AM