Khabiir u dhashay Hindiya oo lagu dilay duleedka caasimada Itoobiya

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Dabley hubeysan ayaa lagu waramayaa in muwaadin u dhashay Hindiya waxay ku dishay duleedka magaala madaxda Itoobiya ee Addis Ababa.

Goobjoogeyaal ayaa tilmaamay in marxuumka, Sukhdev Gupta¸ lagu khaarijiyey aagga Debrezeit oo 45 KM u jirta caasimada dalka aan badda lahayn ee Geeska Afrika.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in kooxaha hubeysan ay horey u sii qaateen agabyo uu lahaa Marxuumka oo uu ku jiro talafoonkiisa.

Mr Gupta ayaa la sheegayaa in uu u shaqeynayay shirkadda Kanoria Textile Africa taasoo aanan wali ka hadlin dhacdadani.

Safaaradda Hindiya ee Addis Ababa ayaa xaqiijisay dhimashadda Mr Gupta oo ay ku tilmaamtay "geeri naxdin badan".

Laamaha amaanka illaa iyo hadda wax war ah kama aysan soo saarin falkan oo aysan sidoo kale jirin cid loosoo qabtay.

"Reerkiisa oo aan u tacsiyeynayo waxay naga sugayaan in aan si degdeg ah ugu wareejino meydkiisa," ayay safaaraddu raacisay.

Sikastaba h ahaatee, waa falkii labaad oo lagu beegsado ajaaniibta. Bilooyin kahor laba maalgeshato oo u kala dhalatay Hindiya iyo Japan ayaa lagu dilay dhulka Oromadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Itoobiya oo shaacisay in cudur aan Africa loogu arag uu ka dilaacay dalkaas

Xaqiijinta WHO waxay timid maalin kaddib markii hay’addu sheegtay in maamulka caafimaadka Itoobiya ay baarayaan.

  • Afrika

    15-11-2025

  • 05:39AM

Madaxweyne Afwerki oo dhaliilay doorka Qaramada Midoobay ee gobolka Geeska Afrika

Wasiirka Warfaafinta Eritrea, Yemane Meskel, ayaa sheegay in kulanka lagu soo qaaday arrimo ku saabsan horumarinta gobolka.

  • Afrika

    14-11-2025

  • 07:54AM