Khasaaro ka dhashay dagaal dhex-maray milatariga iyo sirdoonka Sudan

Image

KHARTUUM, Suudaan - Shan qof, oo ay ku jiraan laba askari, ayaa la dilay kadib markii ciidamada Sudan ay maanta weerareen wakiilo ka tirsan sirdoonka laga baqo ee dalkaas oo gadooday

Talaadadii, rasaas culus ayaa laga maqlay qaar ka mid ah saldhigyada hay’adda sirdoonka NISS ee Khartoum, kadib markii wakiilada hay’addaas ay diideen qorshe howlgab oo ay soo jeediyeen mas’uuliyiinta cusub ee dalkaas.

Xubnaha NISS ayaa hormuud u ahaa weerarkii lagu qaaday dibad-baxayaasha intii uu socday kacdoonkii lagu riday madaxweyne Omar al-Bashir, bishii April 20119.

Goor dambe oo Talaadadii ahayd ciidamada militariga iyo kuwa sida militariga u tababaran ee RSF ayaa ku xoomay xarumaha sirdoonka kadib markii rasaasta laga maqlay.

“Waxaan go’aansanay inaan weerarno xarumaha si loo soo geba-gebeeyo kacdoonkan…waxaana hadda la wareegnay saldhigyada,” waxaa sidaas weriyayaasha u sheegay madaxa shaqaalaha madaxtooyada Sudan General Osman Mohamed al-Hassan.

“Waxaa naga dhintay laba askari, waxaana naga dhaawacmay afar kale oo ay ku jiraan laba sarkaal.” Ayuu yiri.

Dhinaca kale, dhaqaatiir ayaa sheegay in saddex qof oo shacab ah – oo dhammaantood isku qoys ahaa – ay sidoo kale ku dhinteen rasaas la isku weydaarsaday meel ku dhow saldhigga NISS ee Koonfurta Khartoum. Wiil dhallinyaro ah ayaa sidoo kale la dhaawacay.

Afhayeenka dowladda Faisal Mohamed Saleh ayaa sheegay in wakiilada NISS ay gadoodeen kadib markii ay diideen lacagta loogu qondeeyey inay howlgab uga noqdaan shaqada.

GO + Wakaaladaha

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM