Khasaaro ka dhashay qarax ka dhacay xadka Soomaaliya iyo Kenya

Image

NAIROBI, Kenya – Ugu yaraan shan sarkaal boolis Kenyan ah ayaa ku dhaawacmay qarax Miino oo Axadii lagula eegtay ismaamulka Mandera ee ku teedsan xuduudka Soomaaliya iyo Kenya, sidda uu wariyey GTN.

Rono Bunei, taliyaha booliska gobolka Waqooyi-Bari oo xaqiijiyey weerarka, ayaa sheegay in askarta ay galbinayeen basas rakaab ah oo isaga kala goosha ismaamulka Mandera iyo magaala madaxda waddanka ee Nairobi.

Sidda laga soo xigtay Bunei, laba kamid ah saraakiisha ayaa xaaladoodu degan tahay, halka saddexda kale ay xaaladoodu liidato waana la dhayayaa.

Bunei ayaa xusay in qaraxa uu ahaa Miino lagu aasay inta u dhaxeysa tuulooyinka Jabibar iyo Rhamu ee Mandera, waxaana dulmay mid kamida basaska.

Ciidamo gurmad ah ayuu ka dhawaajiyey in loo daabulay meesha ay wax ka dhaceen si ay u qiimeeyaan xaaladda ugana hortagaan weeraro.

Ma jirto koox sheegatay mas'uuliyadda weerarkaas, balse waxaa aagaas weerarada noocaan ah ka fuliya dagaalameyaasha Al-Shabaab.

Kenya ayaa sohdin la leh Soomaaliya waxaana xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida ay halkaas ka fuliyaan weeraro ay ku beegsadaan ciidamadda, iyagoo xilliyadda qaar geystay fal afduub ah si ay lacag uga sameeyaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Howlgal Sirdoonka Kenya sameeyay oo Lagu Joojiyey Weerar ka dhici lahaa Nairobi

Xogta sirdoonka ayaa sidoo kale tilmaantay in kooxdu qorsheynaysay falal afduub iyo weeraro kale xilliga Ramadaan.

  • Afrika

    19-02-2026

  • 02:18PM

Itoobiya oo Turkiga ka Codsatay Taageero ku Saabsan Helitaanka Marin-Badeed

Abiy ayaa ku dhiirrigeliyay shirkadaha Turkiga inay kordhiyaan maalgashiga ay ku sameeyaan Itoobiya.

  • Afrika

    18-02-2026

  • 01:55PM