Kolanyada madaxweyne ku xigeenka Kenya oo dishay wiil 7-jir ahaa

Image

NAIROBI, Kenya – Mid kamida kolanyadda madaxweyne ku xigeenka Kenya, William Ruto, ayaa Sabtidi degaanka Budalangi ee is-maamul goboleedka Busia ku dishay wiil 7-sano jir ahaa.

Cunugan ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay Sidney Mambala Felix kaasoo oo geeridiisa ay si weyn uga naxeen qoyskiisa, sidda ay warineyso warbaahinta maxaliga ah.

Kadib markii ay soo if-baxday sheekadani, Ruto ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka wuxuu tacsi tiiraanyo leh uu ugu diry reerka iyo asxaabta marxuumka.

"Aad ayaan uga murugooday markan shilkan maqlay. Qaraabadiisa oo aan la hadlay waxaan u xaqiijiyey in aan garab-taagan nahay, ALLE ha u naxariisto," ayuu raaciyey hadalkiisa.

Warbaahinta maxaliga ah ayaa ku warameysa in shilkan uu dhacay afartii subax-nimo daqiiqo kadib markii uu Ruto kasoo baxay Dugsiga Hoose ee uu dhigan tahay Marxuumka.

Rosemary Adema, aabaha dhalay cunuga dhigtay, ayaa u sheegay saxaafadda in dhimashada wiilkiisa ay u ahayd "mid wadnihiisa si weyn u taabatay".

Gaariga shilka ku lug-yeeshay ayaa la sheegay in ay la socdeen kooxda warbaahinta u qaabilsan Ruto, inkasta oo aaney kala caddeyn hadii darawalkii xabsi la dhigay uuna caddaalada wajahayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Warshadda Dangote ee Lamu: waxay rabtaa suuqgeyn ka ballaaran Bariga Afrika

Baaxadda warshadda ayaa su’aal gelinaysa inta uu le’eg yahay suuqa…

  • Afrika

    02-10-2026

  • 02:42PM

Masar oo diblomaasi Itoobiyaan ah ka saartay dalka, 48 saacadoodna u qabatay

Tallaabooyinka is-daba jooga ah ayaa sii xumeynaya xiriirrada diblomaasiyadeed ee u dhexeeya dalalka gobolka.

  • Afrika

    02-10-2026

  • 07:52AM