Koonfur Afrika: Nin lagu helay 90 kiis kufsi ah oo xukun adag lagu riday

Image
Nkosinathi Phakathi ayaa falalkan geystay intii u dhaxaysay 2012 iyo 2021.

NAIROBI, Kenya - Nin gudaha dalka Koonfur Afrika caruur da’doodu ka yar tahay sagaal sano ugu geystay kufsi ayaa lagu xukumay 42 xabsi daa’im ah.

Nkosinathi Phakathi ayaa lagu helay 90 dacwadood oo kufsi ah – waana weeraro dhanka jinsiga ah oo uu geystay intii u dhaxaysay 2012 iyo 2021.

40-jirkan ayaa mararka qaar ka dhigi jiray caruur daawado isaga oo kufsanaya dhibanayaashiisa, waxa uuna sidoo kale ku qasbay wiilal yar yar in ay kufsadaan dumarka saaxiibadood ah, ayay tiri Xeer ilaalinta Qaranka Koonfur Afrika (NPA).

Dembiyada Phakathi ayaa ka dhacay gudaha ama agagaarka Ekurhuleni, oo ah degmo bari ka xigta magaalada Johannesburg.

Jimcihii, maxkamadda sare ee Johannesburg ayaa dhageysatay in Phakathi lagu xukumay 42 xabsi daa’im ah oo lagu soo eedeeyay eedeymo ay ka mid yihiin kufsi, afduub, xatooyo iyo weerar.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Imaaraadka Carabta oo ku baaqay xabbad-joojin degdeg ah oo laga sameeyo Itoobiya

Imaaraadka ayaa sheegay in xaaladda cusub ay khatar ku tahay midnimada, madaxbannaanida iyo xasilloonida Itoobiya.

  • Afrika

    26-09-2026

  • 12:34PM

Aliko Dangote oo dhisaya dhuun shidaal oo Itoobiya iyo Jabuuti isku xiri doonta

Jabuuti ayaa iyaduna ka faa’iidi doonta mashruuca, iyadoo la filayo inay kordhaan shaqooyinka, dhaqdhaqaaqa dekedda iyo dakhliga dowladda.

  • Afrika

    26-09-2026

  • 05:29AM