Koonfur Afrika oo dacwad ka ah Yahuuda u gudbisay ICJ

Image
Dacwadan ayaa waxa ay ku saabsan tahay in Isra'iil ay Gaza ka waddo xasuuq bini'aadanimo.

NAIROBI, Kenya - Koonfur Afrika ayaa waxay maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda (ICJ) u gudbisay dacwad ku saabsan in Israa'iil ay "xasuuq" ka waddo Gaza.

Maxkamadda Qaramada Midoobay ayaa xaqiijisay codsiga ku saabsan xadgudubyada lagu eedeeyay ee ah waajibaadka Israa'iil ee hoos yimaada Axdiga Xasuuqa.

Israa'iil ayaa si adag u diiday eedeynta, waxayna ku tilmaantay "mid aan sal iyo raad toona lahayn".

"Israa'iil waxay si xun u diidday been-abuurka dhiigga ee ay faafisay Koonfur Afrika," ayay tiri wasaaradda arrimaha dibadda Yahuuda.

Ka dib codsigii ay u gudbisay maxkamadda ICJ, madaxtooyada Koonfur Afrika ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in waddanku uu waajib ku yahay "inuu ka hortago xasuuqa inuu dhaco".

Maxkamadda ICJ, oo fadhigeedu yahay magaalada Hague ee dalka Holland, ayaa ah hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan garsoorka.

ICJ ayaa waxa ay xallisaa khilaafaadyada u dhexeeya dawladaha xubnaha ka ah ee dunida waxayna ka bixisaa talo-bixin ku saabsan arrimaha sharciga caalamiga ah.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Warshadda Dangote ee Lamu: waxay rabtaa suuqgeyn ka ballaaran Bariga Afrika

Baaxadda warshadda ayaa su’aal gelinaysa inta uu le’eg yahay suuqa…

  • Afrika

    02-10-2026

  • 02:42PM

Masar oo diblomaasi Itoobiyaan ah ka saartay dalka, 48 saacadoodna u qabatay

Tallaabooyinka is-daba jooga ah ayaa sii xumeynaya xiriirrada diblomaasiyadeed ee u dhexeeya dalalka gobolka.

  • Afrika

    02-10-2026

  • 07:52AM