Koonfur Afrika oo dacwad ka ah Yahuuda u gudbisay ICJ

Image
Dacwadan ayaa waxa ay ku saabsan tahay in Isra'iil ay Gaza ka waddo xasuuq bini'aadanimo.

NAIROBI, Kenya - Koonfur Afrika ayaa waxay maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda (ICJ) u gudbisay dacwad ku saabsan in Israa'iil ay "xasuuq" ka waddo Gaza.

Maxkamadda Qaramada Midoobay ayaa xaqiijisay codsiga ku saabsan xadgudubyada lagu eedeeyay ee ah waajibaadka Israa'iil ee hoos yimaada Axdiga Xasuuqa.

Israa'iil ayaa si adag u diiday eedeynta, waxayna ku tilmaantay "mid aan sal iyo raad toona lahayn".

"Israa'iil waxay si xun u diidday been-abuurka dhiigga ee ay faafisay Koonfur Afrika," ayay tiri wasaaradda arrimaha dibadda Yahuuda.

Ka dib codsigii ay u gudbisay maxkamadda ICJ, madaxtooyada Koonfur Afrika ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in waddanku uu waajib ku yahay "inuu ka hortago xasuuqa inuu dhaco".

Maxkamadda ICJ, oo fadhigeedu yahay magaalada Hague ee dalka Holland, ayaa ah hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan garsoorka.

ICJ ayaa waxa ay xallisaa khilaafaadyada u dhexeeya dawladaha xubnaha ka ah ee dunida waxayna ka bixisaa talo-bixin ku saabsan arrimaha sharciga caalamiga ah.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Madaxweynaha Tanzania oo Gabadheeda iyo Ninkeeda kusoo dartay Gollaha Wasiiradda

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa magacaawday ninka Wanu Hafidh Ameir, Mohamed Mchengerwa, inuu noqdo Wasiirka Caafimaadka.

  • Afrika

    18-11-2025

  • 05:13PM

Gabdho laga afduubey Iskuul ku yaalla dalka Nigeria 

Dadka deegaanka ayaa aad uga walaacsan amniga carruurta waxbarata iyo in weerarradan oo kale ay sii badanayaan.

  • Afrika

    18-11-2025

  • 08:16AM